Fadwo Ka Dhan Ah Al Shabaab Oo Laga Soo Saaray Shirkii Culimada Ee Ka Socday Magaalada Muqdisho.

0

IMG_9789Muqdisho (AGGM): Kulan maalmihii aynu soo dhaafnay uga soconayay magaalada Muqdisho culima’udiin Soomaaliyeed, islamarkaana looga hadllayay xagjirnimada iyo waliba ku talax-taga Diinta, ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo uu daah furay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa ugu danbeytii waxaa soo xiray ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, waxaana ugu danbeytii laga soo saaray Fadwo ka dhan ah kooxda Al-shabaab.

Akhriso Fadwada :

Kooxda Al-shabaab waa koox baadiyeysan una taagan inay bulshada Soomaaliyeed baadiyayso, manhajka ay faafinayaanna waa mid khatar ku ah diinta Islaamka iyo jiritaanka bulshada muslimka ah.

Dawladda Soomaaliyeed waa dawlad muslim ah oo aysan banaanayn in la gaalaysiiyo ama lala dagaalamo.

Kooxda xag-jirka ah ee Al-shabaab waxaa ku waajib ah inay Alle uga tawbad keenaan fekerkooda qalloocan iyo falal-dambiyeedyadooda foosha xun.

Ma bannaana in lagu biiro kooxda Al-shabab ama loo fidiyo taageero nooceey doonto ha ahaatee.

Waxaa xaaraan ah in la qariyo xubnaha Al-shabaab, waana waajib diini ah in xubnaha Al-shabaab loo gacan geliyo hay’adaha ammaanka ee dawladda Soomaaliyeed ee ku shaqada leh.

Waxaa xaaraan ah in loo ergeeyo ama laga shaqeeyo sii xabsiyada looga sii dayn lahaa eedeysanayaasha Al-shabaab ee ku jira gacanta hay’adaha ammaanka ee dowladda.

Waxaa waajib ku ah madaxda dowladda inay shacabka Soomaaliyeed ka badbaadiyaan dhibaatada Al-shabaab, muwaadiniintana waxaa waajib ku ah inay dowladda ku gacan siiyaan hawlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab talooyinka shirweynaha.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo soo xiray kulanka, ayaa sheegay in dowladdu ay muddo ku wareersanayd dhibaatada xagjirnimada, balse ay maanta dawadeedii heleen.

“In mudo ah ayaan ku wareegsaneyn  mushkiladda xagjirnimada iyo la dagaalanka Al-shabaab, waan ku faraxsan nahay jawaabaha waafiga ah ee loo helay mixnaddan. Dowladdu ma diidayso in fikradaha lagu kala duwanaado ee waxay diidan tahay is-qarxinta iyo qalqal-galinta nabdgalyada. Qodobbada kasoo baxay shirkan waan soo dhaweyneynaa, waxaan ballan-qaadayaa in aan ku dhaqmi doono bayaanka aad soo saarteen. Berri ayaan uga hadlaynaa shirka golaha wasiirradda. Xagjirnimadu waxay caqabad ku tahay hiigsigeenna, laakiin nasiib-wanaag taladiinu waxay timi xilligii loo baahnaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com