Dowladda Soomaaliya Oo Taageertay In La Weeraro Suuriya Iyo Magacyda Dowladaha Weerarkaasi Taageeray.

0

top-newsMuqdisho (AGGM): Dowladda Federaalka Somalia ayaa ka mid noqotay Dowladdaha jira ee taageeray in Tallaabo Milateri laga qaado Maamulka Bishaar Al-Asacad oo lagu eedeeyay in Sunta Kiimikada ah u isticmaalay dadkiisa.

Liiska dalalka taageeray go’aanka ah in tallaabo Milateri laga qaado oo lasoo dhigay bogga  uu internet-ka ku leeyahay Maamulka Madaxweyne Barack Obama ee White House-ka ayaa waxaa ka mid ah Soomaaliya  iney saxiixday talaabo milateri oo laga qaado maamulka  Bashaar Al-Asad.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulkiisa ayaa saxiixay, oo taageeray Qorshaha taageero raadinta ee Madaxweyne Barack Obama, waxaana dalalka ogolaaday ee bogga White House-ka lagu soo daabacay ay yihiin 35 dal oo Lambarka 30-aad kaga jirto Soomaaliya inkastoo aan la ogeyn sida ay go,aankaasi dowladda soomaaliya u qaadatay iyadoo uusan baarlamaanka soomaaliya ansixinin,waxayna dalka saxiixay weerarkaasi kala yihiin,

Soomaaliya, Albania, Australia, Kanada, Croatia, Denmark, Estonia, France, Guatemala, Georgia, Germany, Honduras, Hungary, Italy, Japan, Republic of Korea, Kosovo, Kuwait, Latvia, Lithuania, Malta, Montenegro, Morocco, New Zealand, Panama, Poland, Portugal, Qadar, Romania, Saudi Arabia, Spain, Turki, United Arab Emirates, United Kingdom iyo United States.

Madaxweyne Obama ayaa hadalkii ugu danbeeyay ee uu ka jeediyay TV-ga wuxuu ka dalbaday Golaha Congress-ka Mareykanka in ay dib u dhigaan cod u qaadista talaabo Milateri oo laga qaado Maamulka Bashaar Al-Asad iyadoo dhinaca kale ay xusid mudan tahay in saxiixa dowladda Soomaaliya ee weerarka Suuriya uu ku soo aadayo iyadoo dowladda Suuriya ay hadda ka hor diiday inay ka qeybqaadato weerar lagu qaado ciidamadii xogga dalka Soomaaliya dagaalkii 77-dii markaas oo dalalkii ku jiray  isbaheysigii waarso uu Ruushku ugu baaqay inay dagaalka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ay gacan siiyaan Itoobiya, waxayna Suuriya noqotay dalka Keliya ee ku jiray Waarso ee diiday in dagaal lagu qaado Soomaaliya, halka dalal badan oo kale oo ay ka mid ahaayeen Liibiya iyo Yemantii koofureed ay ka mid ahaayeen dalalkii dagaalka gacan ku siiyeey Itoobiya dagaalkii 77-dii kuwaas oo uu hogaaminayey Ruushka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com