Dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta Oo Ku Dhawaaqday In Ay Dib U Furaneyso Safaaradeedii Muqdisho.

0

imaaraadka1Dubai (AGGM): Iyadoo magaalada Dubai ee dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta ku sugan yihiin wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayey sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas  in ay safaaradoodii  dib uga furan doonto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana hadalkan ka soo baxay dowladda Iskutaga Imaaraadka Carabta oo uu imanaya xili uu dalkaa booqasho ku jooga madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud.

Warkan waxaa sheegay oo ku dhawaaqay wasiirka arrimaha dibada ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay iney goordhow  magaalada Muqdisho ee xarun dalka Soomaaliya ay ka  furandoonaan safaaradii ay ku lahaayeeen taasi oo aan laga soo bilaabo waqtigii ay bur burtay dowladdii dhexe ee dalka.

Sidoo kale, wasiirrka waxaa uu siweyn ugu amaanay dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto xasilinta iyo nabadayta dalka Soomaaliya waxa uuna ku booriyay iney meesha ka siii wadaan dadaalkooda si ay u gaaraan hadafka ay doonayaan in ay ku badbaadiyaan qaranimada Soomaaliya.

Wasiirrka ayaa intaa ku darray in dowladda Iskutaga Imaaraadka Carabta garab taagantahay dowlada Soomaaliya ayna dowlada Soomaaliya siinayaa lacagtii ay hore ugu balanqaadeen, wasiirka ayaa tilmaamay in ay shirkii  Landhan dowlada Soomaaliya ugu yabooheen lacag dhan 50 milyan ayna xiligaan siinayaa dowlada Soomaaliya.

Magaalada Dubai ee dalka Iskutaga imaaraadka Carabta waxaa maalintii shalay ka furmay shir looga hadllayo dhibaatada Burcad badeeda Soomaalida waxaa shirkaa ka qeyb-gallaya wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Xassan Sheekh.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com