Wafdi Ka Socday Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Shalay Loo Diiday Iney Tagaan Magaalada Baydhabo.

0

BaydhaboBaydhabo (AGGM): Maamulka Gobolka Bay ayaa shalay wafdi ka socda doowlada Federaalka Soomaaliya u diiday ineey gudaha u galaan magaalada Baydhabo.

Diidmada loo diiday wafdigaan ineey gudaha u galaan Baydhabo ayaa imaaneysa Kaddib markii golaha malaaqyada Digil iyo Mirifle ay dhawaan amar ku bixiyeen in wafdi ka socda dowladda Soomaaliya aysan imaan karin magaalada Baydhabo.

Wafdigan ayaa waxaa la filayay inay kaga qaybgalaan Baydhabo xiritaanka siminnaar la siinayay in ka badan 80-macallin oo ka mid ah kuwo ay dowalddu u tababaraysay inay wax ka dhigaan iskuullada ay dalka oo dhan ka furayso.

Waxgaradka beelaha Digil iyo Mirifle ayaa ka xanaaqsan heshiiska ay DFS la gashay maamulka ka taliya magaalada Kismaayo.

Baydhabo oo xarunta gobolka Bay ayaa waxaa hadda maamula golaha ay ku mideysan yihiin malaaqyada Digil iyo Mirifle; kuwaasoo wadashaqeyn la leh maamukii waqtigiisa dhamaaday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com