Nin Shacab ah Oo Lagu Dilay Degmada Boondheere Iyo Ciidamada Boliiska Oo Gacanta Ku Dhigay Gacan Ku Dhiigliha Dilka Geeystay.

0

Boolis1Muqdisho (AGGM):Ciidmada Booliiska Degmada Boondheere ayaa gacanta ku dhigay Nin Ruux rayid ah ku dilay degmadaa shalay galinkii danbe kadib markii sida la sheegay ninka dilka gaystay oo isku dayay in uu dhaco ruuxa dhintay balse uu ka dhega adeegay taasna ay keentay in uu dilo.

Booliska ayaa sheegay in qabashada Ninkan ay ka gacan siiyaan dadka Xaafadaa waxana Ninkaan iyo Qori uu watay gacanta ku dhigay Ciidamada Booliiska Degmada Boondheere  kuwaas oo su,aalo ku waydiinaya saldhiga Boondheere oo iminka lagu hayo.

Xasan Jmaac Cadow oo ah dadka deeganka ehelna ahayeen Ninka la dilay ayaa sheegay in dilka Ninkaan ehelka yahiin yamid kadib markii gacan ku dhiiglaha la qabtay isku dayay in uu ka qaato lacago uu xawaalad ka soo qaaday balsa waxa uu sheegay in uu diiday in lacaga wareejiyo.

Amaanka Degmada Boondheere ayaa mudooyinka danbe ka sii darayay waxana Maamulka Degmadaa Shacabka Boondheere ka dalbaday in amaanka kala shaqeeyaan si loo hakiyo ficilada ay ku dhaqaaqayaan kooxa hubaysan oo aan cidna ka amar qaadan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com