Madaxweyne Xasan Shiikh: “Sanad Kadib Waa Laga Maarmi Doonaa Adeegyada Caafimaad Ee Dibadda”

0

madaxweyne-xasan1-150x150Muqdisho (AGGM): Xasan Shiikh Maxamuud, M/weynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, oo shalay Golaha shacabka hortooda ka jedinayay khudbad ku saabsan waxyaabhihii u qabsoomay doowladiisa mudada sanadka ahayd ee ay jirtay, ayaa sheegay in sanadka soo socda ay ku dadaali doonaan in laga maarmo adeegyada Caafimaad ee dibada loo doonan jiray.

Waxa uu sheegay  in dowladdu ay waddo qorshe ballaaran oo la doonayo in magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya looga hirgalinayo Cisbitaalo laga heli karo dhammaan baahida caafimaad ee ay qabaan shacabka Soomaaliyeed.

“Sanadka soo socda Muqdisho waxay noqon doontaa meel baahida caafimaad  ee dibadda loo aado ka maaranta,waxaan rajayneynaa in dhammaan adeegyada caafimaadka ee bulshadu u baahan yihiin oo la heer ah caafimaadka dunida”ayuu yiri madaxweyne Xasan SH Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa tibaaxay iney sanadaha soo socda ku rajo weyn yihiin iney adeegyo caafimaad oo casri ah gaarsiiyaan gobolada kale ee dalka.

Wixii ka danbeeyay bur burka doowladii dhexe ee Soomaaliya, ayaa bulshada Soomaaliyeed waxaysan helin adeegyo Caafimaad oo dhamaystiran, waxaana bur buray dhamaan adeegyadii Caafimaad, Isbitaaladii dalka uu lahaa, sidoo kale dhaqaatiirtii ugu wanaagsaneed qaarkood waa la dilay qaarka kalena dalka ayayba isaga carareen.

Dad badan oo danyar ah oo la ildaran xannuuno dalka gudihiisa wax looga qaban waayey,isla markaane awoodi waayey iney iska bixiyaan kharashaadka faraha badan ee ku baxa Caafimaadka dalka dibabadiisa loo aado ayaa u dheg taagaya ballan qaadka madaxweyne Xasan SH ee la xiriira in dalka dhawaan  laga heli doono adeegyadii dibadda loo aadi jiray.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com