Maamulka Somaliland Oo Tababar U Furay Maleeshiyaad La Qarameeyay.

0

wasiirka gaashanadhiga somalilndHargeysa (AGGM): Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay inay tababar ufureen ciidan maleeshiyaad ah oo hab beeleed u abaabulnaa kuna sugnaa deeganada uu ka taliyo maamulkaasi.

Sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhiga Maamulka Somaliland ujeedada tababarka ayaa ah in lagu qarameeyo maleeshiyaadka qaab beeleedka u abaabulnaa oo dhawaan oo hada tababarka uscodo

Waxa uu sheegay in tababarkaani kor loogu qaadayo xirfad ciidamada xaga dhaqanka iyo dowlad wanaaga si buu yiri ay wax ugu taraan Maamulka iyo shacabka Somaliland

Hadalkaani ayaa waxa uu ka jeediyay wasiirka gaashaandhiga Somaliland Golaha wakiilada oo uu shalay hortagay.

Dhawaan ayeey aheyd markii Magaalada Hargaysa ku dhawaad 70-saraakiil Booliis ah tababar uu ugu furmay.

Maamulka Soomaaliland ayaa ku dadaalaya sare uqaadida xirfada ciidanka si ay ula dhaqmaan shacabka deeganadoodana ay udifaacdaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com