Emirate: Soomaaliya Waanu Ka Tageereynaa La Dagaalanka Burcad Badeeda

0

somali1Dubai(AGGM) Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka isu tagga imaaraadka Carabta Sheikh Abdullah Bin Zayed Al Nahyan ayaa maanta ka sheegay shirka sedexaad la dagaalnka burcad badeeda oo maanta ka furmay magaalada Abu Dubai in dalkiisa uu sii wadi doono ka taageerida shacabka soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan burcad badeeda.

Sheikh Abdullah Bin Zayed Al Nahyan ayaa sheegay in sanadkii 2012 ay dowladiisa u balan qaaday dowlada soomaaliya 50 milyan oo doolarka maraykanka si ay uga taageerto dhaqaalaha iyo mashruucyada ammaanka.

“horumar laga gaaro dhaqaalaha iyo deganaasho siyaasadeed oo ka dhacda soomaaliya ayaa yareeyn karto oo kaliya burcad badeeda ka jirta gacanka cadmeed,iyo in uu ammaan helo ganacsiga caalamiga ah oo mara biyaha caalamiga ah,” Ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Imaaraadka ayaa ku booriyay wadamada ka qeyb galaya shirka looga hadlayo ka hortagga burcad badeeda inay diraan fariin cad oo ah in beesha caalamka ay la dagaalami doonto burcad badeeda.

Shirka sedexaad ee la dagaalanka burcad badeeda oo maanta ka furmay magaalada Dubai ayaa waxaa diirada lagu saaraya sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka burcad badeeda,waxana ka qeyb galaya ilaa 500 oo wafuud ah oo kala socota ilaa 50 wadan,mas’’uuliyiin ka socota qaramada midoobay iyo ha’yadda caalamiga ah ee ilaalisa biyaha caalamiga ah.

Shirkan oo sanadkan halku dhigisu yahay ka Hortagga Burcad Badeedka iyo iska kaashiga dhismaha awood ka hortagta ayaa waxaa si rasmi ah u furay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka isugu taga imaaraadka carabta Sheikh Abdullah Bin Zayed Al Nahyan.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Yemen Abu Bakr Al-Qerbi ayaa furitaanka shirka ka sheegay in ay yaraadeen afduubka ay burcad badeedu ka geeystaan gacanka cadmeed ka dib markii isbedel siyaasadeed uu ka biloowday dalka soomaaliya bishii August ee sanadkii 2012,kaasi oo soo afjaray dagaal sukeeye oo soomaaliya ka socday ilaa sanadkii 1991.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com