Dhageyso: Cabdi Shire Warsame “Shirka Dib U Heshiisiinta Jubbooyinka Waa Inuu Ka Dhacaa Muqdisho”.

0

UnknownMuqdisho (AGGM): Cabdi Shire oo ka mid ah siyaasiyiinta JubBooyinka ayaa sheegay in aysan ku qanceynin in shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka loo wareejiyo magaalada Kismaayo.

Sababta ayaa waxa uu ku sheegay inaysan suurta gal ahayn in Kismaayo uu ka dhaco shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka iyada oo aan marka hore lagu heshiin magaalo dhex dhexaad ah waxaan sidaasi awgeed uu soo jeediyay in Shirka lagu qabto Muqdisho marka hore.

Cabdi Shire ayaa sidoo kale sheegay in shirka dib u heshiisiinta waxyaabaha ay geen doonaan ay ka mid tahay sharci ahaanta Axmed Madoobe iyo Maamulka uu sheeganayo oo uu sheegay inaysan sharciyad ku dhisneen.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaal ay ku dooneyso inay ku qanciso siyaasiyiinta kasoo horjeeda heshiiska dowladda iyo Axmed madoobe taas oo ay dadka qaar ku timaameen inay tahay qiyaamo ay galeeyso dowladda Soomaaliya ayna ka hormarisay danta dadka deegaanka danteeda gaarka ah.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/09/Voice_029.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com