Daawo: Horjooge Axmed Madoobe Oo Shalay Ay Ku Dhacday “Qadada Waa Cunis, Qadiyaduna Waa Sideedi”.

0

qad2Muqdisho (AGGM): Waxaa shalay lagu qabtay magaalada muqdisho kulan lagu sheegay inay ka soo qeeyb galeen Odoyaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Jubbooyinka haddii aad si wanaagsan u daawato video-gan maqlka iyo muuqaalka ahna waxaad arki kartaa been abuurka taageerayaasha iyo horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Kulankan ayaa waxaa ka qeeyb galay dad ku heeyb ah horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe iyo dhoowrnin oo aysan jirin cid ay matalaan  oo meesha u qado tagay kana mid ahayn Raggii ku dagaalamay magaalada Kismaayo, Horjooge Axmed Madoobe iyo kooxda la socotay ayaa waxa aad moodaa inay iska humbaaleenayaan waxna kala socon xaaladaha magaalada Muqdisho oo ay kamid tahay hal heeys caan ah oo laga yaqaano magaalada Muqdisho  taa oo ah “Qadada Waa Cunis, Qadiyaduna Waa Sideedi”.

Haddaba waxaa isweeydiin mudan markaad dib u eegtaan Sawiradan iyo Video-gan, dadka idiinka muuqda yaad ka garateen, mase yihiin Odoyaashi dhaqanka iyo Siyaasiyiinti Soomaaliyeed ee  ay ka go’aday talada gobolada Jubbooyinka unna huray naf iyo maalba sidii ay u difaaci lahaayeen Qaranimada Soomaaliyeed? Waayo dadkan xageeyse ka yimaadeen? jawaabahaas adinkaan idiin deeynay…

Isku soo wada duuboo waxaa xaqiiqo ah sida muuqata in Horjooge Axmed Madoobe  loo shiday Film caan ahaa oo lagu magacaabo Alfu Layl Wa Layl kaa oo uusan garan karin Ciyaartiisa….

qad4

qad qad1 qad2 qad3

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com