Falaagada Al Shabaab Oo Sameystay Bar Cusub Oo Adeega Twitter-ka Ah, Kadib Markii Laga Xiray Bartoodii Hore.

0

alshababMuqdisho (AGGM): Falaagada Argagixisada ah ee Al Shabaab ayaa mar kale sameysatay Bar cusub oo Twitter ah, kadib markii shan maalmood ka hor laga xiray bartoodii hore.

Al Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo bulshoweynta caalamka ee taageeraya ayaa soo dirtay fariin ay ku sheegeyneyso inay sameysatay bar cusub oo Twitter luqada Ingiriiska ah.

Waxaa ay ku soo dhoweyneysay dad walba oo iska diiwaan gelinaya bartan cusub oo durba gaaray in ku dhow kontan ruux.

Bartan cusub ayaa cinwaankeedu yahay @HSM_Press waxaana ay isku dhowr yihiin labadoodi barood ee sanadkan laga xiray.

Falaagada Al-Shabaab ayaa durba bilowday inay soo dhigto fariimo ay uga hadleyso dagaalo ay dhowaan ku qaaday gobolada dalka iyo macluumaad kala duwan.

Isku soo wada duuboo shabakada weyn ee Twitter-ka ayaa waxaa ka mamnuuca ah hanjabaadaha iyo dagaalada, waxaana ay dhowr jeer ay xirtay shabakaad badan oo loo adeegsanayay fikrado kala duwan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com