Daawo: Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Jaaliyadda iyo Shaqaalaha Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Yemen:-War-saxaafadeed

0

saidMuqdisho(AGGM) .Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo Wafdigiisa ayaa xalay ka qaybgalay munaasabad soo dhoweyn ah oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Yemen ay u sameeyeen, xafladaan ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxaana lagu soo bandhigay gaado ka ciyaar, heeso iyo murti kala duwan. Iyadoo jaaliyada Soomaalidu muujisay sida ay ugu hiloobeen dalkooda kana shaqaynayaan sdii ay dib ugu noqon lahaayeen.

Ra’isul Wasaaruhu Soomaaliya ayaa khudbad dheer oo halkaasi uu ka jeediyay waxaa uu warbixin ka siiyay Jaaliyadda booqashada Yemen iyo hurumaradda Dawladdu ay samaysay dhanka Siyaasadda, Amaanka, Dhaqaalaha iyo sidii kole Waxyaabaha u qorshaysan Dawladdiisa oo ay kamid tahay sidii loo suuragalin lahaa in dalka ay ka qabsoomaan doorashooyin iyo sugidda amaanka guud ee dalka Soomaaliya.

“Dawladdu waxaa dhowaan ay samaysay Hay’ad qaabilsan dib usoo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed iyo dib u dajinta Barkacayaasha, Waxaan u sahlaynaa cid kasta oo iskeed u laabanaysa in aan kusoo dhoweyno dalka annagoo aad uga mahadcelinayna Dawladda Yemen sida wanaagsan ee dalkeeda idiinku soo dhoweysay.” Ayuu yiri Rai’isul Wasaaruhu
Waxaa sidoo kale Ra’isul Wasaaruhu uu kala hadlay Jaaliyadda in socdaalka ay ku joogaan Yemen uu isugu jiro booqasho rasmi ah oo Madaxda Yemen ay kula kulmayeen si loo sii xoojiyo iskaashiga Amniga, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Waxbarashadda. Sidoo klana socdaalka waxaa qayb ka ah u kuuragalidda Xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen.

Munaasabadaasi oo lagu soo bandhigay heeso wadani ah iyo kuwo guubaabo waxaa sidoo kale ka hadlay xubnaha ku weheliya Ra’isul wasaaraha Socdaalkiisa, kuwaas oo sheegay in ay ka shaqayn doonaan sidii Soomaaliya dhibka looga saari lahaa, dadka Soomaaliyeedna ay dalkooda dib ugu noqon lahaayeenj.

Ugu danbayntii Ra’isul wasaaraha ayaa booqday safaaradda Soomaaliyeed ee Sanca, isagoo dhagaystay shaqaalaha safaaradda isla markaana u balan qaaday in ay ka shaqayn doonto dawladdu sidii Safaaraduhu ay u heli lahaayeen waxyaabaha ay u baahan yihiin.

said said1 said2 said3
—DHAMAAD—

Ridwaan Xaaji Cabdiwali 
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Sanca, Yemen
0096734043235
Email:Ridwaanhaji@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com