Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Dib Ugu Soo Laabtey Magaalada Muqdisho

0

xasankMuqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo oo shalay gaaray magaalada Jowhar ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho,  kadib kulamo halkaasi ay kula qaateen qeybaha kaladuwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta maamulka Gobolkaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay si dhammeystiran u shaqeyn doonaan dhawaan ciidammada amniga ee degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxa uuna intaa raaciyay in dowladda Federaalka ay ku howlan tahay sidii loo fududeyn lahaa howshaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa sheegay in loo gudbayo xoreynta degmooyinka gobolka Shabeellada Dhexe oo dhan, isla markaana dowladdu aysan aqbali karin in kooxda Al-Shabaab ay ku sii sugnaato deegaan ka mid ah gobolka, “Shabaab waan ka adkaanay, waa in laga suuliyaa guud ahaan degmooyinka gobolka Shaleeda Dhexe” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadalladan ka jeediyey degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe oo uu madaxweynahu kormeer shaqo ku tegay.

Dowladda ayaa gaartay guulo waa weyn oo dhinac kala duwan leh, mudadi sanadka aheyd ee ay jirtay,  iyadoo maalintii la doortay madaxweynaha uu ka dhawaajiyey Lix Tiir oo ay dowladda Soomaaliya ka shaqeyn doonto oo ay ugu horreyso xasilinta ammaanka dalka, waxaana qeyb ka mid ah la oran karaa dowladda Soomaaliya waa ay ku guuleysatay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com