Dhageyso: Madaxweynaha Soomaaliya oo qaabilay wafdi ka socday dalka China: Warsaxaafadeed

0

xasankMuqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiliay wafdi ka socday dalka China oo uu hoggaaminayey Safiirka China Liu Guangyuan ayaa waxaa ka mid ahaa khubaro ku xeel dheer qiimeynta dhismaha. Madaxweynaha waxaa ku wehliyey kulankan Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna RW ku xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey wafdiga China booqashadooda Muqdisho iyo heshiiskii ay shalay la saxiixdeen Soomaaliya iyo sida ay China diyaarka ugu tahay inay xiriirkii Soomaaliya dib u soo nooleyso oo ay mashaariicdii horena dib u dayactirto. Madaxweynahu waxuu sheegay in China iyo Soomaaliya oo xiriir taariikhi ah uu ka dhaxeeyey loona baahanyahay in la sii joogteeyo.

Madaxweynahu waxuu Safiirka u gudbiyey farriin uu u geyn doono Madaxweynaha dalka China.

Wafidga China oo u hadlay Safiirkooda Liu Guangyuan ayaa sheegay in Dowladda China ay aad ugu faraxsantahay in xiriirkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya dib loo soo celiyo isla markaana safarkii Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ay ku tagtey dalka China uu ahaa mid taariikhi ah oo dib u soo nooleeyey xiriirkii labada dal.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-AFHAYEENKA-MADAXTOOYADA-ENG-YARIISOOW1.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

– —-DHAMAAD –—-

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com