Dowladdaha Soomaaliya Iyo Yemen Oo Heshiis Ka Saxiixaday.

0

IMG_0404Sanca (AGGM): Dowladdaha  Soomaaliya iyo Yemen ayaa maanta heshiis-iskaashi  oo la xirriira dhinacyada amniga, siyaasada, ganacsiga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha bulshada ku kala saxiixday magaalada Sanca ee dalka Yemen.

Heshiiska ayaa ka dambeeyay kulamo ay maalmihii la soo dhaafay ay yeesheen masuuliyiinta labada dowladood.

Heshiiska oo ay goobjoog ka ahaayeen ra’iisul wasaaraha xukuumadda  Federalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon”Saacid” iyo ra’isul wasaaraha dalka Yemen  Maxamed Saalim Bassanduwa ayaa waxaa labada dhinac u kala saxiixay wasiiru dawlaha arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo wasiirka qorshaynta qaranka iyo iskaashiga caalamiga ee dalka Yemen Dr. Maxamed Al-Sacadi.

Qodobada heshiiska ay kala saxiixdeen labada dowladood ayaa waxaa ugu muhiimsanaa .

1- Iskaashiga dhinaca dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga.
2- Iskaashiga dhinaca waxbarshada iyo dhaqanka, tacliinta-sare iyo warbaahinta.
3- Iskaashiga dhinaca diplomaasiyadda, nabadgalyadda, gaashaandhiga iyo cadaaladda.
4- Iskaashiga dhinaca arimaha bulshada iyo qaxootiga.

Fulinta heshiiska ayaa waxaa loo xilsaaray guddi heer wasiir ah oo ka kala socda labada dal iyadoo lagu balamay in shirarka guddiyada ay ka dhacaan magaalooyinka Muqdisho iyo Sanca.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com