Dhacdo Anfariir Leh: Askari Ka Tisanaa Ciidamada Dowladda Ee Gobolka Gedo Oo Jaceyl Dartiis Isku Dilay.

0

baladxaawoBaladxaawo (AGGM): Waa wax mudooyinkaan dambe aan looga baran in ay ka dhacdo dalka Soomaaliya, waliba si gaar ah aan looga baran inay sameeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya qaarkood.

Degmada B/xaawo ee gobalka Gedo waxaa saaka isku dilay askari ka mid ahaa ciidamada Dowladda Soomaaliya ka dib markii uu waayay gabar Jaceyl xoogan uu u qabay, waxaana midaasi ay keentay in dad badan ay ficilkaasi naxdinta leh aad ula yaabaan.

Askarigaan ayaa magaciisa naloogu sheegay Axmed Qaasim, waxaana uu jiray 23-sano wuxuuna ka mid ah Milatariga dowladda Soomaaliya ee halkaasi ku sugnaa, waxaana falkaasi uu ahaa mid aad looga naxay.

Gabadhii uu jeclaa ayaa guursatay nin kale ka dib markii waalidkeeda ay u sheegeen in marnaba aanay la doonayn ninkaasi askariga ah, iyadoona xalay aqalgalkeeda uu ka dhacay isla degmadaasi.

Xalay ilaa saaka ayaa la sheegay in Askarigaan uu aad u fikiraayay, waxaana dad saaxiibadiisa ah u sheegay in gabadhaasi uu aad u jecelyahay, islamarkaana iyada ama ninka qaba aanu dhibaato u quureen, laakiinse uu isaga meesha ka bixi doono.

Waxa uu saaxiibadiisa gaarka ah la sheegay inuu kula dardaarmay in aysan marnaba waxa dhibaato ah u geysan gabadhaasi iyo Ninkeeda marka uu isdilo ka dib, hase ahaatee aad ayeey ula yaabeen hadalkaasi, balse ugu dambeen wey ku qosleen oo been bay ka moodeen.

Goor dhaw ayuu u tagay dadkii deenta ku lahaa iyo saaxiibadiis oo idil isaga oo macsalaameeyay, ka dibna intuu qolkiisa dhexda ka xirtay ayaa la sheegay in halkaasi uu isku dilay.

Dilka ka dib waxaa aad u carooday saaxiibadiisa uu xalay dhan u sheekeenaayay, laakiinse iyaga oo dar daarankiisa fulinaayay ayeey iska daayeen ganadha sababta u noqotay geerida wiilkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com