Daawo Sawirada: Tababar Sida Leeysu Difaaco (Self Defense) Ah Oo 25 Haween Ah Looga Furay Magaalada Muqdisho.

0

tabaMuqdisho (AGGM): Tababar is-difaacid ah oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda horumarinta adeegga bulshada ee Soomaaliya ayaa maanta 25 haween ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Tababarka oo ay bixinayaan tababarayaal ka tirsan waaxda booliska ee AMISOM ayaa looga gol leeyahay sidii haweenka loo bari lahaa xeeladaha is-difaacidda xilliyada la soo weeraro, sida ay sheegtay wasiirka horumarinta adeegga bulshada, Drs. Maryan Qaasim.

Haweenka ka qeyb-galaya tababarka ayaa laga soo kala xulay degmooyinka gobolka Banaadir iyo gobollada Shabeellooyinka.

Wakiilka howlgalka AMISOM u qaabilsan arrimaha haweenka, Maani Axmed oo ka hadashay furitaanka tababarka ayaa sheegtay in AMISOM ay ku faraxsan tahay qabsoomidda tababarka.

Maani Axmed waxay sheegtay inay kordhin doonaan qabashada tababarrada noocaan oo kale ah, lana gaarsiin doono goobo ka baxsan magaalada Muqdisho.

Gabood-fallo isugu jira kufsi iyo dhac ayaa mararka qaarkood lagula kacaa haweenka Soomaalida.

taba

taba7

taba2

taba3

taba1

taba6

taba4

taba5

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com