Daawo Sawirada: Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta Muqdisho ku soo dhoweeyay Fanaanadda Qaranka Hiba Maxamed Cuddoon (Hiba Nuura).

0

IMG_2373Muqdisho (AGGM): Kadib casuumaad rasmi oo maamulka gobolka Banaadir u fidiyay fanaanadda weyn ee Soomaaliyeed Hiba Maxamed Cuddoon ( Hiba Nuura) ayaa maanta waxa ay timid magaalada caasimadda ee Muqdisho kadib dhowr iyo labaatan sano oo ay ka maqneyd.
Garoonka diyaaradaha caalamiga ee AadanCadde Muqdisho ayaa waxaa ku soo dhoweeyay maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaano, abwaanada hobolada Waaberi, iyo shacab ka kala yimid dagmooyinka gobolka Banaadir.

Hiba Nuura  oo ka timid dalka Mareykanka oo ay muddo ku nooleyd kadib burburkii Soomaliya, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho si diiran ugu soo dhoweeyay masuuliyiin ka socotay dowladda somaaliya, waxaana ugu horeyn saxaafadda la hadlay Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir mudane Maxamed Yuusuf Cismaan, oo sheegay in ay dhawaanahanba wadeen marti qaadka fanaaniinta Soomaaliyeed.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday iney casuumeen fanaanadda weyn ee Hiba Nuura, islamarkaana ay uga gol leeyihiin in dalka ay dib ugu soo noqdaan hanuuniye yaashdii, dadweynaha wacyi gelintooda door muuqda ka qaadan jiray, isagoona intaa raaciyay in ay qorsheynayaan in dalka ay dib ugu soo laabtaan fanaaniin kale oo magac dheer umadda Soomaaliyeed ku leh.

Hiba Nuura oo dhankeeda ayadoo dareen qiiro ka muuqda saxafaadda kula hadashay gudaha garoonka muqdisho sheegtay iney uga mahadcelineyso maamulka Gobolka Banaadir marti qaadkooda, iyadodona intaa ku dartay iney rajeyneyso iney door ka qaadato wacyi gelinta dadweynaha, iyo dariseynta maamulka Gobolka Baanadir uu ka wado dagmooyinka magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waday is dhexgalka bulshada iyo wacyi gelinta dadweynaha, waxaana dalka ku soo noqonayay fanaaniin, abwaano iyo hal abuuro Soomaaliyeed, ku wasoo la rajeynayo iney door muuqda ka cayaaraan baraarujinta dadweynaha xaga amniga.

IMG_2373 IMG_2365 IMG_2357 IMG_2350 IMG_2336 IMG_2334 IMG_2333 IMG_2326 IMG_2320 IMG_2319 IMG_2318 IMG_2317 IMG_2316 IMG_2315 IMG_2314 IMG_2312

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com