Bankiga Barcalys Oo Muddo 3 Todobaad Ah U Kordhiyay Xawaaladaha Soomaalida.

0

barclaysLondon (AGGM): Bangiga Barclay’s ayaa isniintii shalay  ku dhawaaqay inuu muddo Saddex Toddobaad oo kale ugu sii daray ay sii shaqaynayaan xawaaaladaha soomaalida ee wada-shayntu kala dhaxaysay.

Afhayeenka Xawaaladaha Soomaalida ee dalka Ingiriiska Cumar Cabdinuur (Nabadoon) ayaa Idaacadda BBC u sheegay in Bankiga Barcalys uu muddadii ay sii shaqeynayeen u kordhiyay, ilaa Saddex Todobobaad oo kale, taas oo ay xawaalado ahaan aad ugu faraxsan yihiin.

Cumar Nabadoon ayaa sheegay in 30-ka bisha September  ee aynu ku jirno la xidhi doono xisaabaadka xawaaladaha soomaalidu ku leeyihiin Bankiga Barklays, taas oo haatan muddo koobani ka hadhsan tahay.

Soomaalida ku nool Ingiriiska ee eheladooda u diraya lacagaha ayaa ka welwelsan xaalada ay ku noolaan karaan reerahooda ku nool gudaha dalka ee lacagaha u dira, hadii la xidho bankiga Barcalys.

Shirkaddaha wada shaqeynta kala dhaxeysa Bankiga Barcalys ee sii shaqeynaya mudada Sedaxda Todobaad ayaa waxaa ka mid ah Dahabshiil, Mustaqbal iyo Tawakal oo hore ugu sharciyeysnaa bankiga.

Saddexdaas Toddobaad ka dib waxa soo baxay culays weyn oo ku aaddan meesha ay lacagta ka heli doonaan dad aad u tiro badan oo lacago ka heli jirey xawaaladaha soomaalida ee xidhiidhka la leh Baniga Barckays, waxana  haatan laga fikirayaa wixii lagaga maarmi lahaa wada-shaqayntaas meesha ka baxday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com