Akhriso: Xubnaha Falaagada Al Shabaab Uga Jira Liiska Ay Ku Qoran Yihiin Argagixisada Sida Aadka Ah Aad Loo Raadinayo.

0

Shabaab-afduub1Washington DC (AGGM):  Wargeyska  ka soo baxa Dalka Maraykanka ee The Washngton Times, ayaa soo daaabacay liis dheer ay ku qoran yihiin Hogaamiyaal sar sare oo ka tirsan Ururka Al qaacida oo ay xagga hoose kaga jiraan qaar ka tirsan ragga Halbawlaha u ah falaagada Al-shabaab ee soomaaliya ka hawl gala.

Hogaamiyayaasha ka tirsan ee Al shabaab ee warbixintan ku jira aaa waxa ka mid ah Hogaamiyaha Xarakadda Al-Shabab Axmed Cabdi Godane oo ay Shababku ugu yeedhaan Shiikh C/raxmaan Abu Zubeyr Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, Shiikh Fu’aad Max’ed Khalaf Shongole iyo Shiikh Xuseen Cali Fiidow.

Warbixintaan oo lagu qoray wargeys la yiraahdo The Washington Times oo Maraykanka kasoo baxa waxaa lagu sheegay in xubnahan oo dhamaantood xubno fir fircoon ka ah Xarakadda Al-Shabab ay haddana dhanka kale sabab u yihiin aas aasida Al-Shabab iyo abaabulida dagaalada Soomaaliya ka socda.

Warbixintu waxay leedahay hogaamiyaashan ayaa ah xubno aad xag jiriin u ah oo aaminsan in dunida uu hadda ka socdo dagaal Jihaad ah.

Hogaamiyaha Al-Shabab Axmed Godane ayay warbixintu xustay inay si gaar ah u hoos tagaan dagaalamayaal tiradoodu gaadhayso 4 illaa 6 kun kuwaas oo aad ugu xooggan Gobolada badhtamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Ruuxa labaad ee warbixintaan ay xustay waa Mukhtaar Roobow Cali oo Abuu Mansuur loo yaqaan waxaana ay warbixintaan ku tilmaantay nin si weyn miisaan ugu leh Xarakadda Al-Shabab oo uu aas aaskeeda qeyb weyn ka qaatay waxaana la aaminsan yahay inuu tababar ku qaatay dalka Afghanistan sanadkii 2000.

Roobow waxaa uu sidoo kale ka mid yahahay dadka sida weyn u aaminsan dhaq dhaqaaqyada Jihaadiga ah waxaa uu hore ugu dhawaaqay dagaal ka dhan dawlada Soomaaliya iyo howlgalka midawga Africa Soomaaliya ka socda ee AMISOM.

Sidoo kale warbixintaan cusub ee Maraykanka kasoo baxday waxaa lagu xusay in hogaamiyayaashan aanay halistoodu yareyn ay ka mid yihiin Fu’aad Max’ed Khalaf oo Shabab dhanka wacyi galinta u qaabilsan waxaana la sheegaa inuu Soomaaliya kusoo laabtay sanadkii 2004,tii isagoo kasoo tagay dalka Sweden oo uu muddo 12 sano ah uu Imaam Masjid ka ahaa.

Sh, Xuseen Cali Fiidow oo ay warbixintaan xustay Al-Shabab waxaa uu u qaabilsanyahay dhanka siyaasadda waxaana uu warbixintaan kaga jiraa booska 10,aad.

Hogaamiyaal kale ayaa warbixintaan ka mid ah waxaana ka mid ah hogaamiyaha ururka Taliban Mullah Cumar oo qofka 1,aad warbixintaan ka ah , hogaamiyaha jabhadda Boka Xaraam oo Nigeria ka dagaalanta,   kan Jaamacal Islamiya oo dalka Masar ka dhisan, madaxa jabhada ka dagaalanta gobolka Jejnia ee dalka Rush,ka  Hogaamiyaha Al-Qacidada galbeedka Africa ee AQIM iyo xubno kale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com