War Deg Deg Ah: Al Shabaab Oo Caawa Weerar Xoogan Ku Qaaday Jaamacada Magaalada Kismaayo.

0

Breaking_NewsKismaayo (AGGM): Kooxda Al Shabaab ayaa waxay caawa dagaalo xoogan ay ku qaadeen Dhismaha Xarunta Jaamacada Magaalada Kismaayo, halkaasoo dagaalo kula galeen Ciidamada Maamulka Jubba iyo Ciidamada Dowladda Kenya.

Xoogagaan oo si lama filaan ah u soo weeraray Dhismaha Jaamacada, oo ku yaala dhinaca Waqooyi ee Kismaayo, ayaan u suura gelin inay gudaha u galaan Dhismaha.

Banaanada hore ee Dhismaha waxaa fariisimaha ku leh Ciidamada Militariga ee Kenya, ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom iyo Ciidamada Maamulka Kmg ah ee Jubba.

Hubka cul culus ee dagaalka leesku adeegsaday, ayaa caawa si weyn looga maqlaayay inta badan Magaalada Kismaayo, isla-markaana weerarka ayaa ahaa mid ka duwan, kuwii ay muddooyinka soo qaadayeen Shabaabku.

Dhinacyada dagaalamay ayaa muddo hal saac isku haayay halkaasi, iyadoo kolkii dambe dib loo eryay Ciidamadii Shabaab, ee weerarada abaabulan ku soo ekeeyay Dhismaha Xarunta ee Jaamacada Kismaayo.

Dagaalka ayaa wuxuu geystay khasaarooyin labada dhinac ah, sida laga soo xigtay ilo ku dhow dhow Saraakiisha Ciidamada Jubba, balse waxaa adag in si sax ah loo ogaado, heerka uu gaarsiisan yahay.

Dagaalka ayaa wuxuu ku soo aadayaa, xilli Madaxa Ciidamada ee Maamulka Jubba Macalin Maxamed Ibraahim Maxamuud, uu maanta sheegay inay Magaalada Kismaayo, ku soo qab qabteen rag Shabaab ka tirsan iyo hubkooduba, isla-markaana ay daciiftay awoodii Ururka xagjirka ah ee Al Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com