Xukuumada Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Awaamiir Lagula Dagaalamayo Dhoofinta Duur-joogta

0

Wasiirka-deegaanka1Hargeysa(AGGM): Xukuumadda Somaliland ayaa daboolka ka qaaday in ay mamnuucday in dalka laga dhoofiyo duur-joogta, sidaasna waxa sheegtay Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandarre.

Qoraal Wasiirka deegaanku ay maanta soo saartay ayay ku sheegtay in aan gabi ahaan-ba wadanka laga dhoofin Karin duur-joogta.

Wasiirka Deegaanka Iyo Horumarinta Miyigu waxay qoraalkeeda u kala dirtay Isuduweyaasha wasaaradaasi u fadhiya goboladda dalka iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland.

“Dhammaan Isu-duwayaasha warqadani ku socoto waxa lagu wargelinayaa in Duur-joogta sida sharci darrada ah ee looga dhoofiyo dalka in tallaabo adag laga qaado sidii laysku hortaagi lahaa dhoofinta Duur-joogta,”ayay Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandarre ku bayaamisay qoraalkeeda.

Wasiir Shugri Bandarre waxa tilmaantay goboladda ugu badan ee duur-joogta dalka laga dhoofiyo ama la soo geliyo magaalooyinka, waxaanay tidhi “Isduwayaasha gobollada Awdal, Selel, Maroodijeex, Saaxil, Tog-dheer waxa lala socodsiinayaa in meelaha ugu badan ee ay Duur-joogtu ka dhoofto ama dalka laga soo galiyo ay tahay gobolladiina sida ugaadha, Diinka, Masa-cagalayda iyo Caasha Badhida IWM, ciddii lagu qabto la horgaynayo sharciga.”

“Waxa kale oo la idinku wargelinayaa in tiro-koob lagu sameeyo dhammaan wixii Duur-joog lagu haysto magaalooyinka gudahooda sida guryaha Hudheelada iwm, wax dambena aan lagu soo kordhin Karin,”ayay intaas ku dartay Wasiirka Deegaanku.

Wasiirku waxay dalab u jeedisay Taliyaha Ciidanka Booliska. “Taliyaha Ciidanka Booliska waxaanu ka codsanaynaa inuu nagala hawl galo gaar ahaan gobollada iyo degmooyinka.”

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com