Madaxweyne Xasan Oo Lagu Wado Inuu Maanta Gaaro Jowhar

0

mada5Muqdisho(AGGM) Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka ka socota magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe oo lagu wado in saacadaha soo socda inuu soo gaaro, kadib markii uu shalay baaqday.

Sida ay sheegayaan wararka ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo la xiray wadooyinka soo gala magaalada ee ka yimaada Muqdisho, waxaana imaanshaha Madaxweynaha si guud looga dareemayaa magaalada oo dhan.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu ka soo kicitimo magaalada Beledweyn oo uu xalay ku hoyday, waxaana safarka uu ku imaanayo uu noqonayaa mid cirka ah, gaar ahaan in diyaarad Helicopter ah ay keeni doonto magaalada.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa ku sugan Garoonka Kubada Cagta Gobolka, oo diyaarada sida ay ka soo degi doonto, waxaana halkaas habeenadii la soo dhaafay ku hoyanayay ciidamada Amisom iyo kuwa dawlada federaalka ah.

Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay inuu diyaar garow ugu jiro soo dhoweynta booqashada Madaxweynaha oo noqon doonta tii u horeysay abid uu ku tago magaalada Jowhar tan iyo markii sanadkii hore loo doortay xilka Madaxweynaha.

Shalay oo si aad ah looga sugayay magaalada Jowhar ayuu Madaxweynuhu waxaa uu u gudbay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com