Kulan Diirada Lagu Saaray Tayeynta Ciidamada Xooga Dalka Oo Garoonka Aadan Cade Ka Dhacay (Sawiro)

0

DSC01862Muqdisho(AGGM) Kulankani oo maanta lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saarayay qaabkii loo tayeen lahaa Ciidamada Xooga dalka islamarkaana loo xoojin lahaa Wadashaqeynta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliska Ciidamada Xoogga dalka,  waxaana si wadajir ah qabanqaabada kulankan isaga kaashaday Wasaaradda Difaaca iyo Howlgalka Tababarada u qaabilsan Midowga Yurub.

Kulankani ayaa waxaa ka soo qeybgalay Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah,Taliska CXDS, Saraakiil ka socotay Wasaaradaha Gaashaandhiga Dowladaha ku jira Midowga Yurub gaar ahaan Dowladaha UK,Mareykanka,Talyaaniga,Turkiga iyo Saraakiil kale.

Ugu horeyntii waxaa kulanka furay K/Simaha Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Muuse Cabdulle Maxamuud oo sheegay inay Wasaaraddu horumar wanaagsan ka gaartay Xureynta Gobolada dalka,islamarkaana ay wadashaqeyn la leeyihiin Taliska Milatariga dhinacyada Qorsheynta Howlgalada,Tababarada iyo Istaraatiijiyadda ciidan waxaana uu uga mahadceliyay Madaxda Reer Yurub taageerada ay u fidiyaan Ciidamada Xooga dalka,  isagoo soo dhaweeyay tababarka  Midowga Yurub gudaha dalka ay ku siinayaan Ciidamada Xooga dalka.

Colnel.Demassi Taliye ku xigeenka Howlgalka Tababarada Midowga Yurub ee Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay isbedelka muuqda oo ay ku tilaabsatay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo sida loo habeeyay Taliska Ciidamada Xoogga dalka waxa uuna balanqaaday in Midowga Yurub ay tababarka ciidamada sii kordhinayaan haddii ay ahaan laheyd gudaha iyo dibadda dalka.

Saraakiisha ka qeyb gashay kulanka ayaa muddo saacado ah dood kulul ka yeeshay qaabka loo sii dardar galin karo Howlgalada iyo Istaraatiijiyadda Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed , iyagoo isku raacay in si wadajir ah gacan looga geysto ciribtirka kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

DSC01837DSC01835DSC01838DSC01844DSC01846DSC01847DSC01849DSC01850DSC01853DSC01858DSC01862DSC01864DSC01863DSC01884DSC01866DSC01889DSC01894