Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe Oo Kulan Albaabada U Xiran La Yeeshay Gudoomiyihiisi Hore Xasan Dahir Aweys.

0

WhiteBackground_AdjustableMuqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe uu marki ugu horeeysay mudo dhoowrsana ah kulan Albaabada ux iran la qaatay Gudoomiyihiisi hore ee Ururki Xisbul Islaam Xasan Dahir Aweys.

Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe ayaa waxa uu kulnakooda ka dhacay Xarunta Hay’adda Nabadsugida Qaranka ee magaalada Muqdisho, kulnakan ayaa waxaa uu Axmed Madoobe ka helay ogolaansho qaar kamid ah Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya.

Horjooge xmed Madoobe ayaa waxa uu ugu baaqay dowaldda Soomaaliya in ay xoriyadiisa dib ugu soo celiso Gudoomiyihiisi hore Xasan Dahir Aweys.

Axmed Madoobe ayaa isagu waxa uu ka mid ahaa ururka Al Shabaab intii  uusan sheegan inuu yahay horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, waxa uuna sheegay qofki Al shabaab kasoo goosta inuu xaq u leeyahay in la soo dhaweeyo ee aan la xirin oo xabsi loo dhaadhicin.

Ilo wareed ku dhow Nabadsugida Soomaaliya  ayaa waxa uu xaqiijiyay in Axmed Madoobe fariin uu ka waday Xasan Turki uu u gudbiyay Xasan Dahir Aweeys isagoo ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo waxa ay aheyd fariintaas, balse sida lawada ogsoon yahay sadexdan nin ayaa  kawada tirsanaa ururo diimeedka mayalka adag ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo booqashada Axmed Madoobe ee Xasan Daahir Aweeys ayaa dadka qaar waxa ay ku macneeyeen dhibaato hor leh oo ku soo socta dalka haddii aysan dowladda Soomaaliya ka hortagin, maadaama labadan ninba ay kawada Tirsanaayeen ururo diimeedki mayalka adkaa ee halaagay kumanaan ruux oo Soomaali ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com