Gudoomiye Cirfo Oo Safar Ku Jooga Degaanka Xeraale Kulamona La Leh Bulshada

0

Cirfo-300x225Caabudwaaq(AGGM)Gudoomiyaha gobalka Galgaduud ayaa saaka kulamo kula leh maamulka iyo qeybaha bulshada eek u nool deegaanka Xeraale.

Xuseen Cali Wehliye Cirfo gudoomiyaha gobolka Galgaduud oo maalmahan kormeer ku marayay degmooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolkaasi, ayaa kulamadii ugu dambeeyay xalay la qaatay maamulka iyo bulshada ku nool deegaanka Xeraale ee isla gobolkaasi.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ujeedada socdaalkiisu uu yahay sidii uu daraasad ugu sameyn lahaa uguna kuurgeli lahaa xaalada nololeed ee dadka ku dhaqan deegaanadaasi islamarkaana uu wada tashi ula yeelan lahaa waxgaradka iyo bulshada gobolka.

‘’Ujeedka safarkenu wuxuu ahaa inaan daraasad ku sameyno warbixina kala qaadano qeybaha kala duwan ee bulshada hadeey ahaan laheyd maamulka degmada iyo ururada bulshada sida ganacsarada, dhalinyarada Haweenka iyo duqowda dhaqanka’’ Sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha G/Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo.

Dhinaca kale gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in cid waliba loo deyndoono kaalinteeda si maamulka gobolka uu u noqdo mid ka caafimaad qaba isqabqabsi islamarkaana loo gaaro horumar dhan kasta ah, maadaama ay hadda socdaan wadahadalo wada tashi ah oo maamulka gobolku la yeelanayo guud ahaan bulshada gobolka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com