Dhageyso: Wariye Somaliland Iyo Puntland Godkuu Galaba Ka Saareen,Meel Uu Baxana Garanla

0

cadnan-shaqaleHargeysa(AGGM) Wariye ka tirsan Wariyeyaasha Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa ka hadlay caqabado xoogan oo soo foodsaaray saacadihii la soo dhaafay isagoo sheegay in Maamulada Somaliland Iyo Puntland hanjabaado iyo baacsi isugu dareen,waxaana wariyahaasi sheegey in Maamuladaasi ay xiriir wanaagsan leeyihiin isla markaasna iska kaashanayaan sidii ay u caburin lahayeen saxafada iyo shacabka deganaadaasi.

Wariyahan waxaa daaha ka qaaday in dhawr meelood uu tagay laga soo bursaday isla markaasna gaadiidka dagaalka lagu bursaday,waxaana uu sheegey in Maamulka Puntland ka soo baacdsadeen degaanka Taleex,waxaana uu sheegay inuu Tuulo kale ku tagay orodkii isla markaasna lagaga daba yimi.

Wariyahan oo lagu magacaabo Maxamed Shaqale ayaa sheegay inuu miciin biday inuu cararo dhinaca laascaanood oo ay maamulaan somaliland,waxaana uu sheegay in markii uu soo gaaray kantaroolka Magaalada Gambare ee duleedka Laascaanood ciidamada Somaliland ku amreen inuu ka soo dego gaariga isla markaasna soo wareejiyo wax kasta oo kamera ah oo uu haysto,waxaana loo taxaabay xabsiga Magaalada Laascaanood halkaasi oo uu maalmo ku xirnaa markii dambena la soo dayaay iyagoo aan maxkamad la soo taagin.#

[ca_audio url=”http://www.holholnews.com/wp-content/uploads/2013/09/Warbixin-sababta-loo-xidhay-2.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com