Somaliland Oo Shaacisay Inaanay Nabad-gelyo Xumo darteed Genel Energy uga baxin Dalka

0

Warancadde2Hargeysa(AGGM) Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay inaanay shirkadda shiidaalka ka baadhaysay goboladda barri ee dalka ee Genel Energy aanay Somaliland uga bixin culays iyo turaan-turooyin kaga yimid dalka gudihiisa.

Wasiirku waxa uu sidaasi ka sheegay maanta oo uu hortagay Golaha Wakiiladda Somaliland oo ansixiyay Wasiirnimadiisa.

 

“Arrinta shirkadaasi ma aha mid ka timid xaggeena (Somaliland), nabad-gelyo xumo Somaliland ka timidna ma aha. Shan cisho ka hor waxaan tagay Burco tuulooyin bay ka cawdeen xaga shaqaale hoosaadka ka cabanayay, arrintaasna si wanaagsan ayaanu u dhammaynay oo mabsuudna way ahayd shirkaddu,”ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde oo wax laga weydiiyay inuu ka war-bixiyo asbaabaha dhaliyay in shirkadda Genel Energy ay shaqaalaheeda Ajanabiga ah kala baxdo Somaliland.

 

Mr. Cali-Waran-cadde waxa uu tilmaamay in aanay jirin wax sabab ah oo ay u daliishan karto inay nabad-gelyo xumo uga baxday dalka, hase yeeshee waxa uu ku dooday inay xukuumadda uu ka tirsan yahay ay masuuliyiinta shirkadda Genel Energy wax ka weydiinayaan Axadda Beri waxyaabaha ku aj-buray qaraar ay ku gaadheen inay shaqaalahooda ajanabiga ah ee hawsha sahaminta shiidaalka laf-dhabarta u ahaa ay kala baxaan Somaliland.

Ugu dambeyntii wasiirka daakhiligu waxa uu iftiimiyay inay beesha caalamku ay ku sii qul-qulayso Soomaaliya oo aanay ka jirin nabad-gelyo isla markaana la baaxaa-degaysa qaraxyo aragagixiso

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com