Sarkaal Ka Tirsan Shabaabka Baardheere Oo Dhaawac Halis Ah La Soo Gaarsiiyey

0

alshababKismaayo(AGGM) Masuulkii ugu sareyey Dhinaca Amniyaadka Alshabaab ee Magaalada Baardheere ayaa la sheegaya in dhaawac halis ah la soo gaarsiiyey,waxaana wararku shaacinayaan in xilli uu saaladii subax ka so baxay Masaajid ku yaala Magaalada Baardheere ay weerar ku qaadeen kooxo hubeysan oo aan la aqoon cidda ay tageersan yihiin.

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ahaa Madax Amniyaadka Al-shbaaab ee magaalada Baardheere waxaana la sheegaya in sarkaalkaasi lagu magacaabi jirey Ramadaam,waxaana dhaawaciisa lagu daaweynayaan isbitaalka Alshabaab ee Magaalada Baardheere,waxaana dhaawac sarkaalkaasi loo qabqabtey dadweyne fara badan.

Goob jooge ku sugan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa u sheegay Allgalgaduud in dhaawac sarkaalkaasi uu yahay mid halis ah isla markaasna ay baxsadeen kooxdii dhaawaciisa fulisay,waxaana la aaminsan yahay in kooxda dhaawacaasui fulisay ay yihiin kooxo tageersan ciidamada dawlada ee ku sugan gobolka Gedo.

Waxaa saaka gudaha Magaalada Baardheere laga qabtey in ka badan 100 ruux oo shacab ah kuwaasi oo ka buuxa xabsi Alshabaab ku leeyihiin Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo,waxaana la sheegaya inay dadkaasi baaritaano ku hayaan Alshabaab isla markaasna ay doonayaan inay ogaadaan cidda ka dambeysay dilka sarkaalkaasi.

Ugu dambeyntii maahan markii ugu horeysay ee Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo lagu weeraro gobolka Gedo,waxaana Magaalada Baardheere sanadkan horaantiisi lagu dilay sarkaal ka tirsan Alshabaab kaasi oo aan la aqoon cidda sida rasmiga ah uga dambeysa dhaawaciisa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com