Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ku Wajahan Magaalada Baladweyne Maangta

0

IMG_2100Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow ku wajahan magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, iyadoo qaban qaabo lagu soo dhoweynayo ay ka socoto garoonka diyaaradaha Beledweyn, halkaasoo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin iyo dadweyne fara badan.

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa saacadaha soo socda la filayaa inay gaaraan Beledweyn, oo uu horay u booqday markii la doortay, waxaana magaalada la sheegay in ammaankeeda aad loo adkeeyay.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo ay caawa ku hoyanayaan magaalada Beledweyn, halkaasoo ay kula kulmi doonaan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa saakay ka baaqday safar uu ku tagi lahaa magaalada Jowhar, iyadoo xalay saqdii dhexe magaalada ay ka soo laabteen ciidamo gaar ahaa oo sugi lahaa ammaanka wafdiga Madaxweynaha ee lagu waday inay markii u horeysay tagaan Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.

Todobaadkii la soo dhaafay Madaxweynaha ayaa booqday magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana la filayaa in Madaxweynuhu maalmaha soo socda uu booqasho ku tago qaar ka mid ah deegaanada gobolada dalka ka hor inta uusan 16-ka bishan furmin shirka Brusulles ee dalka Belgium.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com