Muqdisho(AGGM) Gudoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa bilaabay socadaal uu ku murayo deegaanno iyo dagmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud si uu la tashiyo ula sameeyo bulshada Gobolka.
Xuseen Cali Wehliye Cirfo gudoomiyaha gobolka Galgauduud ayaa maanta kormeer ku tegaya degmooyinka Balanbal iyo Guriceel isagoo u kuurgalaya xaalada nonoleed ee ummadda ku dhaqan degmooyinkaasi, wuxuuna sidoo kale wada tashi la yeelan doonaa maamulka iyo bulshada degmooyinkaasi.
Qabanqaabo lagu soo dhaweeynayo gudoomiyaha cusub ee gobolka Galgaduud ayaa ka socota degmooyinka Balanbal iyo Guriceel waxaana si weyn loo adkeeyay amniga deegmooyinkaasi.
Gudoomiyaha cusub ee gobolka Galgaduud ayaa tan iyo markii uu gaaray gobolkaasi waxa uu waday kulamo xiriir ah oo uu la qaadanayo qeybaha bulshada ee gobolkaasi, isagoo kala hadlayay sidii maamulka gobolka uu u noqonlahaa mid cagahiisa isku istaaga.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com