Dubai: Weftigii Wasiirrada Oo Kulan La Yeeshay Qurbo-jooga Somaliland.

0

qurbe-2-300x215Hargeysa(AGGM) Wasiirrada Arrimaha dibadda iyo Caafimaadka Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis iyo Mudane Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo socdaal shaqo ku jooga dalka Imaaraadka carabta ayaa xalay kulan la yeeshay jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaaladda Dubia oo ay kala hadleen sidii la iskugu xidhi lahaa dedaaladda xukuumadda iyo qurbo-jooga oo ah danjireyaal kaalin togan ka qaadan kara iibgeynta qaddiyadda madax-banaanidda Somaliland.

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen Jaaliyadda Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta waxa Wasiirrada Arrimaha dibadda iyo Caafimaadka Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis iyo Mudane Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo ka hadlay kulankaasi ay uga xog-warameen Jaaliyadda xaaladda guud ee dalka oo ay tilmaameen inay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ay waddo dedaalo badan oo la xidhiidha horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, taabo-gelinta adeegyadda daruuriga ah ee bulshadda iyo juhdiga ay ugu jirto inay beesha caalamka dhacsiiso qadiyadda aqoonsi raadinta.

Wasiirradu waxay qurbo-jooga Somaliland ee ku dhaqan wadanka Imaaraadka carabta ay uga mahad celiyeen kulanka balaadhan ee ay ku soo dhaweeyeen weftiga, waxaanay u soo jeediyeen inay xoojiyaan midnimadooda si ay quwad u yeeshaan dedaaladoodu.

Maxamed Biixi Yoonis iyo Saleebaan Ciise Axmed waxay qurbo jooga ugu baaqay inay dhinacooda ka qeyb qaataan qadiyadda aqoonsi raadinta oo ay sheegeen inay tahay waajib qaran oo muwaadin kasta kaalin ka qaadan karo.

Ugu dambeyntii sidoo kale, xubno ku hadlayay magaca jaaliyadda Somaliland ee dalka Imaaraadka carabta ayaa xukuumadda u soo jeediyay tallooyin kala duwan oo la xidhiidha siyaasadda dibadda iyo gudahaba, waxaanay soo dhaweeyeen mashaariicda waaweyn ee dalka ka tisqaaday sadexdii sanadood ee la soo dhaafay oo ay ka mid tahay derajooyinka la siiyay ciidammadda, mushahar kordhinta shaqaalaha iyo mashaariicda kale ee la xidhiidhay kor u qaadista adeegyadda bulshadda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com