Muqdisho (AGGM): Waxaa maanta si weyn looga soo horjeestay heshiiska dhex maray Dowladda Federalka ee Soomaaliya iyo Horjoogaha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.
Kulan xasaasi ah oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Iftiin Xasan Baasto, Cabdi Baalley, Cumar Buraale Axmed iyo Cabdi Shire Warsame, oo shirka ku metelaayay Barre Hiiraale.
Waxay si buuxdo ay u sheegeen inaysan marnaba taageeri doonin heshiiska ay Dowladda Soomaaliya la gashay Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.
Heshiiskaasi ayaa waxay ku fasireen inuu ahaa mid lagu qancinaayo Horjooge Axmed Madoobe, iyagoo sidoo kalana sheegay inaysan wax suurta gal ah ahayn, inay aqbalaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno kale oo kamid ah Dowladda Soomaaliya ayay waxay ku eedeeyeen inay qiyaaneen iyaga iyo weliba dadka Jubbooyinka, kadib markii ay sheegeen inaysan kala tashan, heshiiska ay la gashay Horjooge Axmed Madoobe.
Dowladda ayaa waxay fursad ahaan ay u qabteen muddo 24 saacadood ah, inay dib uga laabato heshiiska, ay Magaalada Addis Ababa kula gaartay horhoogaha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.
[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/09/Voice_026.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com