Wiil Soomaali Ah Oo Xalay Lagu Toogtay Magaalada Gothenburg Ee Dalka Sweden.

0

gothenburgGothenburg (AGGM): Nin Soomaali ah ayaa waxaa habeenimadii xalay ahayd lagu toogtay Magaalada Gothenburg ee dalka Sweden, ka gadaal markii ay rasaas huwiyeen niman hubeysan.

Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday xaafadda Hammarkullen, kadib markii wiilka Soomaaliyeed ay soo weerareen niman hubeysan, oo oodda kaga qaaday rasaas aysan u meel dayin.

Afhayeenka Ciidamada Booliska ee Gobolka Vastra Gotaland Jenny Widen, ayaa wuxuu Warbaahinta u sheegay in wiilkaan oo 23 sano jir ah, uu soo gaaray sida uu sheegay dhaawac dhexe.

Afhayeenka ayaa wuxuu kaloo sheegay in raggii falkaan geystay ay baxsadeen, hase ahaatee ay ku daba jiraan Ciidamada Booliska ee ee Gobolka Vastra Gotaland.

Wiilka Soomaaliga oo aan magaciisa la shaacin, ayaa wuxuu horaantii sanadkaan uu ku marqaati furay rag Cadaan ah, oo Magaalada Gothenburg ku dhaawacay laba wiil oo Soomaali ah, oo wada dhashay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com