War Deg Deg Ah:Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Jabhada Raaskambooni Oo Muqdisho Ku Wajahan Maanta

0

29938_NpAdvHoverMuqdisho(AGGM) Wararka Allgalgaduud Magaalada Kismaayo ee xarunta jubadda hoose ka helayso ayaa daaha ka qaadaya in hogaanka Jabhadda Raaskambooni iyo xubno la socdaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay kulmo kula yeelan doonaan madaxweynaha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo xubno kale oo tiradooda lagu sheegay 30 xubnood ayaa la sheegayaa inay hadda ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo,waxaana la sugayaa diyaaradi u qaadi lahayd Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ka sii amba qaadi doonaan wada hadaladii dawlada federaalka ah iyo kooxda Raskambooni u dhexeyey.

Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni iyo kooxda la socota ayaa la sheegayaa in Magaalada Muqdisho ay kaga qayb gali doonaan shirka dib u heshisiinta,waxaana lagu wadaa inuu maalmaha soo socda shirkaasi ka furmo magaalada Muqdisho iyadoo ay ka qayb gali doonaan dadweyne fara badan kuwaasi oo ka kala imaan doona gobolada dalka.

Ugu dambeyntii Safarkan Magaalada Muqdisho uu ku tagayo hogaanka Jabhadda Raaskambooni ayaa ah safarkii ugu horeyey uu ku tago Magaalada Muqdisho,waxaana lagu wadaa inuu maanta kulamo muhiim ah la qaato madaxda dalka Soomaaliya isla markaasna kala hadlo arrimaha xaaladihii ugu dambeyey ee Magaalada kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com