R/wasaare Ku Xigeenka Ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda DF Soomaaliya Oo Cambaareeysay Qaraxyadi Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

0

Fowsiyo-MuqdishoMuqdisho (AGGM): Ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga marwo Fowziiya Yusuf Xaaji Aadan ayaa cambaaraysay qaxayadii maanta ka dhacay nawaaxiga Gurigii Hooyooyinka oo ay ku taalo Maqaayada The Village.

“Waxaan si aad ah u cambaaraynayaa qaraxyadii axmaqnimada ahaa ee saaka lala beegsaday maqaayada Village iyo Barxada Iskaashatooyinka , waa weerar argagaxiso u jeedkiisunaa ahaa in la beegsado dadka shacabka ah, laguna khal-khal galiyo howlaha amni sugida ah ee ay dowladu wado”ayey tiri Marwo Fowziya.

Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhanka kale ku baaqday in hawlaha dowladda iyo meheradaha ganacsiga ay sidoodii caadiga ahaa ku sii socdaan.

“Qaraxyada noocaan ah ma ahan kuwo naga hor istaagaya sidii aan dalka ugu soo dabaali lahayn xasilooni buuxda, waxaana mahadnaq balaaran u soo jeedinayaa kooxaha dab-damiska iyo gurmadka caafimaadka oo si dhaqso ah u soo gaaray goobta si ay wax ugu qabtaan dhibaatooyinka ka dhashay qaraxyada”ayay tiri Fowziyo Yuusuf.

Waxaa ay tacsi u dirtay dadkoodu ku waxyeeloobeen qaraxyadaas, iyadoo ku hadlaysa magaceeda, kan xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed ayay tiri: “Damaan qoysaska ku waayey kuwii ay jeclaayeen waxaana ilaahay uga baryeeynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo, kuwa ku dhaawacmayna u booga dhayo oo caafimaad taam ah siiyo.

Qaraxan oo saaka abaarihii 11 subaxnimo lala beegsaday maqaaxida Village ee ku taal dhismaha daarta Hooyooyinka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 14 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 12 qof oo kale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com