Daawo: Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweyana Jabuti oo kulan Gaar ah ku Yeeshay aqalka Madaxtooyadda Djibouti:-War-saxaafadeed

0

said and ismailMuqdisho(AGGM) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirddoon “Saacid” oo maanta Aqalka Madaxtooyadda ee Dalka jibouti kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Dalka jibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay xiriirka walaaltinimo labada dalka iyo dadaalka uu Madaxweynaha jibouti ugu jiro daganaanshaha Soomaaliya

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha jibouti waxaa kulankoodan ay uga wada hadleen iskaashiga labada dal ee arimaha Amaanka, Siyaasadda, Ganacsiga iyo Dib-u-dhiska.   iyadoo dhanka kalana Ra’isul wasaaraha Soomaaliya uu ka warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliya iyo horumaradda ay Dawladdiisu ku talaabsatay mudadii ay jirtay.

Raisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu dalka Djibouti ee aan walaalaha nahay uga mahadceliyay dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay ugu jirto sidii Soomaaliya ay uga soo kaban lahyd bur-burkii ku dhacay 22kii sano ee lasoo dhaafay iyo xaqiijinta rajjada muuqata ee Soomaaliya.

“Dawladda Djibouti ee aan Walaalaha nahay waxaan uga mahad-celinayaa doorkeeda Soomaaliya iyo sida ciidanka Djibouti ee Amisom ay horumarradda la taaban karo uga sameeyeen Gobolka Hiiraan, sidoo waxaan ku faraxsanahay in si gaar ah aan isaga kaashanno arimaha Aamaanka, Siyaasadda Ganacsiga iyo Dib u dhiska  oo aan halkan u joogno” Ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Madaxweynaha dalka jibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa ku amaanay Dawladda dadaalka ay ugu jirto bad-baadinta umadda Soomaaliyeed, waxaa kaloo uu madaxweynuhu sheegay in dalkiisu uu sii xoojin doono xiriirka ka dhexeeya iyo gacanta kaga aadan xasiloonidda dalka.

Dhinaca kale Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa oo ay kamid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiiru dawlaha Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Wasiir ku-xigeenka Khayraadka ayaa kulan ay la yeesheen Ra’isul Wasaaraha dalka jibouti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo Wasiirka gaashaandhiga dalka jibouti Mudane Xasan Dharaar Hufane  waxaa ay uga wada hadleen arimaha amniga iyo qorshaha Dawladda ee xasilinta dalka.

said and ismail

IMG_0251 IMG_0239 IMG_0229 IMG_0226 IMG_0216 IMG_0200

—-DHAMAAD—-

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Federalka Somalia
Djibouti, Mob: +25377093297
Email:ridwaanhaji@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com