Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud oo Kulamo La Leh Bulshada Gobolkaasi

0

CIRFOMuqdisho(AGGM) Guddoomiyaha maamulka gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa kulan ku aadan sida loo sugi karo ammaanka xarunta gobolkaasi ee Dhuusamareeb kula qaatay dhalinyarada ku dhaqan magaaladaasi.

Xuseen Cali Wehliye Cirfo gudoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay ururka horumarinta waxbarashada gobolka Galgaduud oo ay ku mideysanyihiin dhalinyaro u ololeysa horumarinta waxbarashada.

Guddoomiyaha oo la hadlay Allgalgaduud ayaa sheegay in uu tagay qeybo ka mid ah degmooyinka, wuxuuna xusay inuu la kulmay dhalinyarada degmooyinkaasi isagoo ku booriyay iney sii badiyaan dadaalkooda iyadoo maamulkuna uu ahmiyad gaar ah siinayo horumarinta iyo isku xirka dhalinyarada gobolka.

Guddoomiyaha ururka  horumarinta dhalinyarada gobolka Galgaduud Axmed Maxamed Maxamuud oo hadlay ayaa sheegay in ay maamulka kala shaqeyndoonaan horumarinta waxbarashada gobolka islamarkaana ay kaalin wax ku ool ah ka qaadan doonaan guud ahaan horumarinta gobolka.

Ugu dambeyntii maamulka ayaa maalmihi ugu dambeeeysay waxaa uu waday kulamo gooni gooni ah oo uu la yeelanayay qeybaha kaladuwan ee bulshada kuwaas oo looga hadlayay horumarinta gobolka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com