Gogol Nabadeed Oo Loo Dhigayo Dhamaan Gobolada Soomaaliya.

0

XASAN SHEEKHMuqdisho (AGGM): Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Ah Ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Max’uud Ayaa sheegay In Soomaalida Meel Kasta Oo ay ka Joogto Soomaaliya ay U baahan Tahay In Dib U heshisiin Loo qabto Taas Oo Uu sheegay In Looga Gol leeyahay In dhamaan Soomaalidu ay isku Cafiso.

Madaxweynaha ayaa Waxa Uu Tilmaamay In Dalka Uu soo maray Marxalado kala duwan Intaas dagaal Iyo Gefaf kale ay ka dhacayeen Dadka Soomaaliyeed Lakin haatan Loo baahan yahay In Dhamaan qaladaadkaasi Lawada Saxo.

Madaxweyne Xasan ayaa Carabka Ku Adkeyay In Lagama Marmaan ay tahay Gogol Soomaalidu ay Ku heshiiso Oo la dhigo Dhamaan Gobolada Soomaaliya,Warkaan Kasoo baxay Madaxweynaha ayaa Imaanaya Xili meelo badan Oo Kamida Gobolada Soomaaliya ay dhawaan ka Dhaceen dagaalo beleedyo Dhimasho Iyo Dhaawac Gaystay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com