Dhageyso: Sababaha Alshabaab Looga Xiray Twitter Oo La Shaaciyey.

0

somali_al_shabaab_rebels_join_twitterLondon(AGGM) Kooxda Alshabaab oo laga xiray bartoodii internetka gaar ahaan account ka Twitter-ka waxaana soo baxaya arrimaha sababay in la xanibo bogoodda qaybta Ingiriisiga,waxaana la sheegaya inay keentey markii ay jabiyeen sharuudahaa u degan Barta Twitterka iyadoo la sheegay inay sharuudahaasi ka mid yihiin in la soo dhigo Hanjabaado ku aadan madaxweyne la dilayo ama la weerarayo.

Alshabaab ayaa la sheegay inay maalinimadii taariikhdu ahayd 3 bishan ay ku soo qoreen bogooda inay weerareen Madaxweynaha dawlada federaalka ah iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiiradda,waxaana la sheegay in mulkilayaasha shabakada Twitterku ay arrintaasi arkeen isla markaasna xanibeen qaybtoodi ingiriska ee ay adeegsan jireen Alshabaab,waxaana uu noqonaya kii labaad ee laga xanibo Alshabaab, sanadkii hore mid laga xiray waxay ku soo bandhigeen askari faransiis ah oo la dilay sawiraddiisa taasi oo keentey in laga xanibo booggaasi.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-MUQTAAR-IBRAAHIN-OO-AH-RUUX-TWITERKA-AAD-U-ISTICMAALA.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com