Dhageyso. Jabuuti Oo Sheegtey Inay Dawlada Soomaaliya Ka Caawinayso Dhisida Ciidamada Xooga Dalka

0

Fiqi-keydmedia-620x330Muqdisho(AGGM) Wasiirka Gashaandhiga dawlada federaalka ah ee Soomaaliya Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi oo saxafada la hadlay ay sheegay inay dawlada Jabuuti ay dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ay ka caawinayaan dib u dhisidda ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed,waxaana uu sheegay in jabuuti arrintaasi ay balan qaaday.

Sidoo kale waxa uu Fiqi sheegey in dawladda Jabuuti ay wado qorsheyaal ay dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ay ku caawineyso,waxaana uu shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in ciidamada xooga dalka soomaaliyeed laga tageero dhinaca gaadiidka oo aysan haysan gaadiid iyo qalab ku filan.

Hadalkan waxaa uu ku soo aadayaa xilli u Wadanka Jabuuti booqasho ku joogo Raisalwasaaraha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon,waxaana uu kulamo muhiim ah kula qaatey Madaxda dalka Jabuuti isagoo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa wada tashiga iyo iskaashiga dhinac kasta .

Ugu dambeyntii Raisalwasaare Saacid ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda u duulo wadanka Yemen halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxda dalkaasi isla markaasna kala hadli doono sidii dawlada yemen u tageeri lahayd dawlada federaalka ahe´ee soomaaliya gaar ahaan dhinac dhisida ciidamada iyo iskaashiga calamiga ah.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-WASIIRKA-GAASHAANDHIGA.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com