Daawo: Faahfaahin Dheeri Ah Oo Ka Soo Baxaysa 2-dii Qarax Ee Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.*Digniin Sawiro Naxdin Leh*

0

qar1Muqdisho (AAGM): Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa qaraxyo maanta ka dhacay nawaaxiga Gurigii Hooyooyinka oo ku taal Maqaayada The Village, iyadoo qasaara fara badan uu ka dhashay qaraxa oo mid ka mid ah uu ahaa ruux isa soo miidaamiyay.

Sida ay nagu soo gaarayaan wararka qaraxa hore oo ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay goob baabuurta la dhigto oo ku taal dhabarka dambe ee Maqaayada The Village oo ah halka lagu magacaabo Barxada Iskaashatooyinka, halkaasoo gawaari badan ku bur bureen.

Goobjooge ku suganaa meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay inuu arkay qof sii ordayay markii gaariga qarxay, dabadeedna dad meel ku xoonsanaa uu isku qarxiyay, halkaasoo aheyd goobta ugu badan ee ka dhalatay dhimashada ugu badan.

Mas’uuliyiinta gobolka iyo Saraakiisha Booliska ayaa sheegaya in qaraxa labaad uu ahaa qof xirnaa suumanka qarxa oo markii qaraxii weynaa ee gaariga dhacay goobtana ay ku soo xoomeen dad fara badan uu is qarxiyay.

10-ruux iyo ka badan ayaa ku dhimatay qaraxa, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, iyadoo gawaarida ambalaasta ay qaadeen dad fara badan oo dhaawac ahaa, kuwaasoo ka mid ahaa dadkii maqaatada ku jiray.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhow ka hadlayay shir looga hadlayay Xagjirnimada oo ka furmay magaalada Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dad aan waxba galabsan la laayo, isagoo tilmaamay in ilaa 14-ruux ay ku dhinteen.

Wakaaladaha wararka ayaa qoraya in qaraxyada bartilmaameedkooda ahaa Maqaayada caanka ah ee The Village oo ay ku dhinteen ugu yaraan 15-ruux, halka dhaawaca intaa ka badan yahay.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda, iyadoo goobta wax ka dhaceen ay gaareen mas’uuliyiin iyo wariyeyaal.

Inta badan dadka doonaya inay maqaayada The Village galaan ayaa la sheegaa inay marka hore dhigtaan baabuurta banaanka barxada ka soo horjeeda Ex Fiyoore ee loo yaqaano Iskaashatada.

Wadooyinka soo gala goobtu qaraxa ka dhacay¬† ayaa ah mid iminka xiran, waxaana goobta soo gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo goobta qaraxyada ka dhaceen ay ka muuqdaan raadadka qasaaraha oo ah gawaari gubtay, dhiig iyo hilbo dad go’ go’ay.

September sanadkii 2012 ayay aheyd markii weeraro qaraxyo ah oo lagu qaaday Maqaayada The Village oo ay ku jireen wariyeyaal iyo dad kale, halkaasoo ay ku dhinteen ilaa 20-ruux, iyadoo weerarkan maanta uu u muuqdo mid lagu soo beegay sanad kadib weerarkii ka dhacay maqaayada.

qar1 qar

qar5 qar4 qar2 qar7 qar8 qar6 qar3

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com