Wafdi Ka Socday U.N. ka Oo Kormeeray Xabsiga Dhexe Ee Degmada Beledweyn

0

Somaliland_PoliceMuqdisho(AGGM) Wafdi ka socday Qaramada Midoobey oo gaaray Magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiran ayaa kormeeray Xarumaha Maamulka  gobolka iyo Xabsiga dhexe ee magaalada Beleweyne.

Laba sarkaal oo ka socotay U.N. ka oo gaaray magaalada Beledweyn ayaa booqday xabsiga dhexe ee beledweyn iyagoo mid mid u eegay qolalka xabsiga iyo xaalada maxaabiista,  waxewyna sidoo kale kormeereen saldhiga booliiska ee degmada, iyagoo tilmaamay in ay wax ka qabanayaan caafimaadka maxaabiista islamarkaana ay dib u dayactir ku sameyndoonaan saldhiga iyo xabsiga.

Taliyaha qeybta Booliiska G/Hiiraan Col.  Isaaq Cali Cabdulle oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in saraakiishan ka socota UN.ka ay ka qeybqaadandoonaan horumarka ka jira gobolka Hiiraan.

Saraakiishan ka socotay UN.ka aya qaabilsan qeybta nabadgelyada , dhaqancelinta iyo xabsiyada, iyagoo hoosta ka xariiqay iney si deg deg ah wax uga qabandoonaan xaalada Maxaamiista ayna dayactirayaan saldhiga Booliiska iyo xabsiga dhexe ee magaalada Beledweyn.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com