Mareykanka Oo Eedeyn Kulul U Jeediyey Ruushka,Kuna Tilmaamay Adduunka Inu Afduub U Haysto

0

130905170902_obama_putin_512x288_apLondon(AGGM) Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku eedeysay Ruushka in caalamka oo dhan uu afduub u haysta.Samantha Power ayaa sheegtay in Ruushka uu dunida ka hortaagan yahay in tallaabo ay ka qaaddo adeegsiga hubka kiimikada ee dowladda Suuriya.

Samantha ayaa sheegtay in haatan aysan jirin waddo kale oo horey loogu socon karo maadama Ruushku diidan yahay in golaha ammaanka uu go’aan ka gaaro arrintan.Khilaafka Ruushka iyo Maraykanka ee Suuriya ayaa ka u gudbay shirka waddamada 20-ka ee dunida ugu awoodda weyn ee G-20.

Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Ruushka, Barack Obama iyo Vladamir Putin, ayaa markii ugu horreysay si fool ka fool isugu yimid shir tan iyo markii uu billawday khilaafka labada dal ee Suuriya.

 Hubka kiimikada

Waddamada reer galbeedka ayaa u ololaynayo in tallaabo militeri laga qaado dowladda madaxweyne Bashar Al Asad. Waxay ku eedeenyayaan Asad inuu hubka wax gumaado ee kiimikada u adeegsaday shacabka Suuriya.Ra’iisalwasaaraha Britten David Cameron, ayaa sheegay in hadii Maraykanku tallaabo ka qaadi waayo Suuriya ay farriin khaldan u diri doonto Asad iyo dowlado kaleba.

Wareysi uu siiyay BBC-da ayaa Cameron waxa uu meesha ka saaray wararka sheegayo in diidmadii barlamaanka Britain ee faragelin ciidan in lagu sameeyo Suuriya ay isaga gooni ka dhigtay markii la isugu tegay shirka G-20.

Waxa uu sheegay in Britain ay dowr muhiim ah ka cayaari doonto sidii gargaar bani’aadannimo loo gaarsiin lahaa shacabka Suuriya.Cameron ayaa sheegay in dowladdiisa hadda ay hayso caddeyn dheeri ah oo ku saabsan hubka kiimikada ee lagu weeraray meel dibedda ka ah magaalada Dimishiq, ee caasimadda dalkaas.

Dowladda Suuriya ayaa ka digtay in weerar kasta oo lagu qaado uu kaalmo u noqon doono ururka Al-Qaacidda iyo taageerayaashiisa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com