Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud “Ma Wuxuuu Kala Garan Waayey Micnaha Democracy Iyo Jabhadihii Qabiiliga Ahaa Ee Waddanka Burburiyey, Mase Xasan Wuxuu Dhashey Burburkii Ka Dib? By. Dr. D N Jama (Dr. Truman)

0

XASAN SHEEKHMadaxweynaha soomaaliya Xasan Shiikh wuxuu godob ka galay ummadda soomaaliyeed,gaar ahaan Malaayiin ay soo gaartey sida: dhimasho fool xun,barakicin,gaajo, hoy la’aan,waxbarsho la’aan,deryeel caafimaad la’aan iyo nabad la’aan, burburkaas oo ah mid aan la soo koobi karin dadkii sababteeda lahaa waxaay ahaayeen Jabhado qabiil ku dhisnaa isla markaana doonayey iney talada waddanka ku qabsadan awood qabiil, sidaa awgeed annagoo wada garaneyna xaqiiqada dhabta ah iyo sababtii uu ku biloowday dagaalkii sokeeye iyo fool xumadii laga dhaxley.

Miyey qurux badneyd in shaqsi sheeganaya inuu ummadda soomaaliyeed u hayo masuuliyaddii ugu sareysey ee dalka inuu Ammaan u soo jeediyo Jabhadihii waddanka halaagay kuna tilmaamo iney “Democracy” u dagaalamyeen. Su’aashu waxaay tahay Jabhad qabiil isu hubeysey si ay xukun u qabsato iyo democraadiyad maxaa iska galay?.

Madaxweyne Xasan Shiikh ma joogin miyaa waqtigii barisamaadkii dagaaladii sokeeye ka hor,iyo bilowgii dagaaladii sokeeye ilaa waqtiga maantay la joogo, Shaqsi ah Aqoon yahan soomaaliyeed lehna damiir soomaalinimo miyuu ammaan u hayaa jabhadii qabyaaladda siyaasadeysan loo hubeeyey in talada waddanka lagula wareego magac iyo awood qabiil,isla markaana dhibaatadii ay soomaaliya u keeneyn laga wada dheregsan yahay fool xumadii laga dhaxley waa maxay Ammaanta ay mudan yihiin, miyeyse u dagaalamyeen democraatiyad?

Haddii ay democraatiyad u dagaalamayeen maxaa keeney burburka iyo hallaagga soomaaliya ku dhacay kuna weydey qarannimadii, dowladnimadii,karaamadii iyo sharaftii soomaaliya lagu yaqaanay.

Jaalle Xasan Shiikh ma joogaa waqti uu dhaliil u soo jeediyo dowladdii kacaanka aheyd ee uu hoggaaminayey Allaha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre, mase Xasan Shiikh Maxamuud waa madaxweynaha soomaaliya ma wuxuu ku raadinayaa taageero siyaasadeed weerarka afka ee uu ku qaaday Marxuum Maxamed Siyaad Barre,  Xasan ma hayaa xataa wax lagu qeymeyn karo 30 % oo ah nadaam dowladeed waayo marka dowlad laga hadlaayo waxaay leedahay astaamo lagu yaqaanno, waayo dowladnimadu waxaay matashaa qarannimada ay ummad leedahay, dowladnimaduna waa qeyb ka mid ah astaamaha qarannimadu leedahay Qarannimada waxaa lagu qeexaa iney leedahay seddex astaamood, culumada qaarkoodna waxaay siiyaan afar astaamood, haddii ay mid ka maqan tahay micnaha waxaa waaye qarannimo ma jirto, mid kastoo la qaato seddex ama afarta astaamood, Tusaale jiritaanka qarannimo waa inuu jiraa dhul, dad iyo maamul, marka intaas la helo ayuu qaran jiri karaa, laakiin aqoonyahanno kale baa waxaay ku daraan seddexdaas iney jirto madaxbanaani ama wax la yiraahdo “Capacity” micnaha awood ay dowladdaas leedahay iney xor u tahay go,aanada ay qaadaneyso”sovereignity” haddii taas la waayo waa midda dambe waxaay noqoneysaa inaad tahay mid loo taliyo loona yeeriyo wixii la doono waxaayna noqoneysaa “Puppet-Government”, waqti aan sidaa u sii fogeyn ayaa nin wariye soomaaliyeed ah wuxuu wareysi la yeeshay guddoomiyaha baarlamaaka soomaaliya Mudane Jawaari,Jawaari wuxuu markaas ahaa ku simaha xafiiska madaxweynaha waayo marka uu madaxweynuhu dibedda aado waxaa xilkiisa siihaya guddoomiyaha baarlamaanka, ninkii wariyaha ahaa baa wuxuu weydiiyey mudane jawaari sidee sirta dowladda u xafidi kartiin waayo hadda waxaa xaafiiska nala jooga Askeri Ugaandhees ah! su;aal aniga ila xanuun badan bay ila aheyd,mudane Jawaari wuxuu ku jawaabay ninkaan askeriga ah wuxuu xaafiska soo galay marka aad ii timid,laakiin marka aad baxdid asna waa baxayaa! damcan jawaabtaas iney sidaa noqoto waxaay aheyd mid aan laga fursan karin.

Waqtigii kacaanka ama barisamaadfkii xaalku sidaa ma ahan,Madaxdii kacaanka Taangiga Ugaandhees kuma jirin, ummadda soomaaliyeed kuma dhibaateysneyn gudaha waddankooda iyo dibadda midna, muwaadiniinta soomaaliyeed badaha adduunka meydkooda kuma soo caarin jirin sidii “maley dhintey oo biyuhu soo tufeen” waddanka soomaaliya ma foos fadhiyin Kenya iyo Ethoipia, Muwaadin kasta oo soomaali ah wuxuu lahaa karaamo iyo sharaf, caruurta soomaaliyeed marka laga reebo kuwa ku nool miyiga waxaay heysteen wax barasho lacag la’aan ah,soomaaliya oo dhanna wax barashadu waxaay aheyd lacag la’aan ilaa heer jaamacadeed.

Madaxweyne Xasan Shiikh adigoo aan meel kale eegin Malaayiin soomaali ah leh caruur, iyo waayeel ayaa kugu wareegsan kuma jiraan xataa 1km,ma heystaan hoy, ma heystaan wax barasho, ma heystaan daryeel caafimaad, ma heystaan biyo nadiif ah, ma heystaan nabad gelyo,gabdhaha soomaaliyeed haddii ay noqon lahaayeen Marwooyin la qabo ama gabar waxaa lagu kufsadaa meel aan ka fogeyn Villa Soomaaliyeed.

Marka aad intaas fiirisid, adigoo ah aqoon yahan waayo arag ah haddana masuuliyad ku saraan tahay miyey ku wanaagsaneyd inaad xattaa kalmad dhaliil ah u soo jeedisid dowladdii Kacaanka, micnaha taas waxa ay ummadda Soomaaliyeed u fahmeysaa inaad tahay nin ku diganaya dhibaatada ku dhacday shacabka Soomaaliyeed, maanteyna wax weyn oo ay ku kala duwan yihiin shacabka Soomaaliyeed meel ay ku nool yihiinba Raasceyr ilaa Raaskaambooni,tusaale meeqa caruur soomaaliyeed ku nool daafaha Hargeysa kuwaas oo aan heysan hoy, dhar, waxbarasho iyo daryeel caafimaad, Magaalada Berbera dad baa degey cooshashna ka dhistey Qabuuraha dushooda, Magaalada Garoowe, Boosaaso,Gaalkacyo meeqa caruur iyo waayeel ah ayaa ku tabaaleysan sida aan ku soo xusay Hargeysa ama Berbera.

Waan ogahay dadbaa qaarna dhicin doona, qaarna uureysan doona waayo runta lama jecla waana middda keentey in Madaxweynihii aan u arkeyney nin garasho fog inuu yiraahdo  Jabhadihii waddanka halaagay dimuqraatiyad bay u dagaalamayeen waxa ayna la dagaalamayeen dictatooriyad!. Sidee ku dhici kartaa Jabhado qabiil ku dhisnaa haddana ahaa qaa’imiin wadaniin“Traitors” in Jaalle madaxweyne Xasan u bareero iney dimuqraadiyad u dagaalamayeen taas oo ah hadal aan laga fiirsan. Meeday dimoqraadiyaddii loo dagaalameyey haddii ay jirtey taas!.

Maxaa loo dagaalamyey in waddanka la burburiyo, dadkii soomaaliyeed laga dhigo in la dilo. in la barakicyo,in la bililiqeysto,in la kufsado,in la xasuuqo, in Taangiga Ajaaniibta lagu xasuuqo laguna barakiciyo.

Dadka la soo kulmey dhibaatadaan baaxadda weyn leh marka ay dhageystaan maxaay kugu qeymeyn karaan, waayo dadku intooda badan waa xog ogaal ma ahan iney wada dhasheen burburkii ka dib. Waa inaad ogaataa Kacaankii uu hoggaaminayey allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre waddanka wuxuu u qabtay cidna weli uma qaban marka aan ka tagno caadifadda qabiilka ku dhisan iyo laab la kaca la is moodsiiyo darajo aan weli la gaarin in la gaaray, taas micnaheedu ma ahan inaan la gaari karin laakiin waxxay u baahan tahay,karti,wadanimo,damiir soomaalinimo, qab soomaalinimo,aqoon iyo waayo aragnimo ay ku dhisan tahay masuuliyad leh xilkasnimo.

Mashkuliddu waxaay tahay dhibaato ay fahmayaan ummaddo aan nagu diin aheyn, nagu midib aheyn ayaa ka xun dhibaatada soomaaliya ka dhacday isla markaana ay masuuliyadeeda ay laahaayeen jabhadihii ” Traitors and predators” ahaa.

Nin Doctor Germany ah 2002 baa wuxuu igu yiri soomaaliya waxaan tagey 1980’s soomaaliya waxaay aheyd waddan weyn laakiin maantay wax jira ma ahan, tusaalaha labaad barnaamij ka baxayey laanta afka soomaaliga ee VOA kuna saabsanaa dhalinyarada muddo hadda laga joogo ilaa seddex sano ,waxaana lagu soo qaatay dhalinyarada ku nool gobolka waqooyi-galbeed ,qaas ahaan magaalada Hargeysa marka wiil iyo gabar bay ahaayeen martida barnaamijka ,wiilkii baa wuxuu ka sheekeeyey mar ardeydu ka sameeyeen kacdoon magaalada Hargeysa wuxuuna yiri nin baa noo yimid si uu dejiyo xalaadda ardeyda wuxuuna ku yiri ardeydii “meeshaan aad joogtaan” waxaa joogi jirey ardey idinka qurux badan,isla markaana wax badan dunida kala socday. Micnaha tan fasir uma baahna baan filayaa.

Waxaan filayaa in uusan Xasan Shiikh ogeyn waddanka soomaaliya xalaaddii uu ku sugnaa iyo waxyaabihii kacaanka dhaliyey, isla markaasna inuusan Xasan Shiikh la socon wax qabadkii kacaanka marka laga eego dhinac kastaba. Arrinta kale waxaay tahay qofka masuulka ah marka uu hadlayo waa inuu wax badan xeeriyaa kana fiirsada waxa ka imaan kara,laakiin haddii ay noqoto sidii Hebel Jiis yaa kaa futo xun adigaa la heystaa dhulkaagii! waa mushkulad weyn taas iyo Hebel doqon mucaarad ah baad tahay sidii ay rag kala duwan u dheheen haddalada noocaan ah oo kale ma ahan masuuliyad, isla markaana qofka masuulka hadalkiisu waa mid ka duwan kan dadka caadiga ah, marka hadalka masuulka waxaa la rabaa inuu yahay wax legal ah micnaha sharci ka hadlaaya ama logic micnaha wax micnaha sameynaya.

Qofka bani-aadamka ah waa qaldami karaa “Humanbeing reliable to error”. Laakiin dagaalka afka ah Jaalle Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ku qaaday dowladdii kacaanka aheyd ma ahan mid ka turjumeysa xaqiiqada dhabta mana wanaagsana in taariikhda laga been sheego,waayo ummad aan taariikh laheyn jiritaankeedu wuxuu ku jiraa qatar, taariikhduna waa sooyaal, waana wax la socda ummaddaas jiritaankeeda.

Taariikhdu ma sameysanto hal mar, laakiin soomaalida ayaa waxaay caado ka dhigatey in markii qof masuuliyad loo idmado inuu dumiyo wixii asaga ka horreeyey daaqadana ka tuuro, ummad sidaa fekerkeedu yahay sidee ku horeymareysaa waayo meesha waxba looguma imaanayo wixii ummaddaas sameysatey oo taabanaya dhinac kastaba ku saabsan horumarka ummaddu gaartay in laga bilaabo meel eber ah ” Zero” waa mushkulad weyn waayo marka nadaam kaa horreeyey waa inaad wixii qalad jirey wax ka bedeshaa, wixii wanaagsanna laga qataa sidaa bay taariikhdu ku sameysataan , laakiin haddii laga dhigo sidii reer guuraya maalinba meel jooga, ma ahan nadaam dowladeed iyo xaddaarad toona.

Midda kale waa in la ogaadaa Kacaanku taariikh dhaxal gal ah buu sameeyey wuxuuna leeyahay taageerayaal badan garanaya waxa ay kula duwan yihiin xumaanta iyo wanaaggaba marka taasna yaan lagu qaldamin, wanaaggii uu kacaanku sameeyey waa taariikh ay leedahay ummadda soomaaliyeed ee ma ahan in shaqsi iska leeyahay ama qabiil ama beel gaar ah.

Insha allaah waxaan jecelahay inaan dad badan oo aan ogeyn in soomaaliya ka jirey  gumeysi dadka lagu kala faquuqo dhalashadii kacaanka ka hor koleyba dad badan ma oga taas, micnaha in kacaanku ahaa kii simay ummadda soomaaliyeed cidna cid kale ka sareyn, wareysigii ugu dambeeyey ee BBC -laanta afka soomaaliga la yeelato Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre,wariyihii wareysanayey baa weydiiyey maadama hadda xukunkaagii uu dhammaaday yahay maxaad u qabatay ummadda Soomaaliyeed, Maxamed Siyaad barre wuxuu ku jawaabay haddii aanan xattaa waxba u sameyn “Soomaali – Soomaali Gumeysan Kara Ma Jiro”

Su’aasha furan waxaay tahay waddanka yaa dhisey yaase dumiey?
 
W/Q. Dr. Dahir Nur Jama ( Dr. Truman)
jama191@hotmail.co.uk

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com