Hay’ad Caalami Ah Oo Dambiyada Baarta Oo Beenisay Danbiyadii Warbixintii Q.M.

0

top-newsMuqdisho(AGGM) Maanta Hay’ad caalamka ugu sareeya ee arrimaha baarintaanka danbiyada xisaabaadka iyo koox garyaqaanno ah ayaa soo saaray warbixin ay uga soo horjeesteen warbixintii QM ee dabagalka cunaqabateynta dalalka Somalia iyo Eretria isla markaasna caddeeyey in Dowladda Somalia aysan wax musuq-maasuq ah sameynin.

Iyagoo ka jawaabaya warbixintii QM kooxdooda dabagalka ee Soomaaliya iyo Eretria, gaar ahaan qeybta Annex 5.2, Hay’adda Xisaabaadka ee FTI Consulting Inc iyo Kooxda Garyaqaanada Hay’adda Mareykanka ee Shulman, Rogers, Gandal, Pordy & Ecker, P.A ayaa waxey oggaadeen  in habraaca iyo gunnaanadkooda ee qeybta Annex 5.2 inay aheyd mid “si aad ah wax uga qaldanyihiin iyo iyadoo aan gebi ahaanba lagu kulsoonaan Karin.”  Waxaa intaas dheer iyadoo eedeymaha intooda badan ay ka horreeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud waqtigiisa.

Madaxweyne Xasan waxuu soo dhoweynayaa warbxintan gunnaanadkeeda iyadoo la qirayo in Soomaaliya ay weli u baahantahay inay horumar ku sameyneyso nidaamka dhaqaalaha ka dib 20 sano oo dagaal ah.

“Madaxweyne ahaan, mas’uuliyad baa iga saran inaan eedeymihii si dhab ah u galo oo aan u dalbano in baaritaan dhab ah la sameeyo.” Ayuu yiri Madaxweynahu. “Aad baan ugu faraxsannahay in kooxdii aan baarista u diray uu gunnaanad koodii noqday in eedeymahaas ay ahaayeen kuwo aan sal iyo baar toona laheyn.

Hay’addan Caalamiga ah baaristooda caddeymaha runta ah oo ay ku beeniyeen eedeymihii QM kooxdooda dabagalka ayaa waxaa ka mid ahaa:

  • Cambaareyntii ay u soo jeediyeen Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Dr Abdisalam Omar doorkiisa hoggaamineed ee Bankiga. Marka la fiiriyo warbixinta baarista Dr Abdisalam Omar waxuu dalbay ballan inuu arko kooxda dabagalka QM ka dib markii ay warbixintooda u gudbiyeen Guddiga Ciqaabaha ee QM. Kulankii koobnaa oo ay kula yeesheen maqaayad buuq badan ma aysan weydiinin eedeymaha warbixintooda ku jirta. Ha yeehsee warbixinta Hay’adda Caalamiga ah ee baaristan danbe waxaa Dr Abdisalam Omar lala yeeshe wareysi socday 9 saacadood.
  • Kooxda Dabagalka QM warbixintooda waxey ku sheegeen in lacagtii Price WaterHouse Coopers ee $16.9 million oo dollar ah ay maqantahay $12 million. Hase yeeshee baarista hay’addan caalamiga ah waxuu caddeeyey in lacagtaas la hayo xisaabteeda oo aysan maqneyn.
  • Warbixinta kooxda Dabagalka QM waxey sheegeysaa inay maqanyihiin hay’adihii si dhab ah u maamulayey bixinta lacagaha. Baarista hay’addan caalamiga ah ee baartay warbixintii QM waxey caddeyneysaa in Soomaaliya ay leedahay hay’adihii maamulka iyo maareynta maaliyadda oo leh shuruucdii ay ku shaqeynayeen iyo nidaamkii lagu hubinayey lacagahaas sida ay u baxeen.

Hay’addan Caalamiga ah ee Xisaabaadka iyo kooxda Garyaqaanada waxbaara waxey raaceen nidaamka iyo habka xaqiiqa raadinta ee QM u degsan iyo nidaamka caalamiga ah ee loo maro baarista, dabagalka, iyo wareysiyada, Warbixintan dhameystiran waxaa la socda talo soo jeedin ku socota Dowladda Soomaaliya iyo Golaha Amniga ee QM.

Talada Soomaaliya ay u soo jeediyeen hay’addan caalamiga ah ayaa ah in la sameeyo nidaam lagu xoojinayo Kontaoolka gudaha iyo habka loo gudbiyo warbixinnada maaliyadda iyo sii dhuujinta nidaamka maamulka maaliyadda. Dhanka Golaha Ammaanka ee QM waxaa lagula taliyey inay dib u eegis ku sameeyaan warbixintoodii 13ka Julay gaar ahaan qeybta Annexe 5.2 iyo inay sameeyaan kontorol lagu sameynayo kooxda dabagalka ee QM. Waxaa kaloo lagula taliyey in dalalka wax laga qoro in la siiyo fursad ay ku eegaan warbixinta oo waxii ay u arkaan ay si qoraal ah ku soo gudbiyaan oo la tixgeliyo inta aan warbixinta la shaacinin.

Madaxeynaha waxuu aqbalay tallooyinkaas loo soo jeediyey iyo warbixintan ay soo saareen Hay’addan caalamiga ah. Madaxweynahu waxuu yiri “Soomaaliya horumar weyn bey sameysey 22 sano ka dib. Weli waxaa jira howlo badan oo u baahan in la qabto Dowladdeyduna waxey ku dadaali doontaa inay waxii karaankeeda ah ay qabaneyso oo looga hortagayo musuq-maasuqa. Waxaan beesha caalamka, gaar ahaan Qarmada Midoobey ku dhiirigelinayaa inay sii wadaan inay si wanaagsan oo waxtar leh ay noola shaqeeyaan.”

Warbixinta oo dhameystiran waxaad ka heli kartaa

https://podestagroup.app.box.com/s/th0vq7wudzscroq7l8dn

–       DHAMAAD –

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com