Haween Soomaali Ah Oo Ku Dhaawacmay Qaraxii Lalla Eegtay Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Dalka Masar.

0

egyQaahira (AGGM): Wararka ka imaanaya magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa sheegay in labo haween Soomaali ah ay ku dhaawacmeen qarax shalay lala eegtay Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar Maxamed Ibraahim.

Haweenkan Soomaalida ayaa ka ag dhowaa wado uu marayay Wasiirka arrimaha gudaha Masar oo qarax lagula eegtay, inkastoo wasiirku ka bad baaday isku daygaas la doonayay in lagu qaarijiyo.

Wariyaha laanta afka Soomaaliga ee VOA-da uga soo warama magaalada Qaahira Xuseen Saxnuuni ayaa soo sheegaya in labada haween ay mid ka mid ah ka go’day lugteeda, halka mida kalena ay gacmaha wax ka gaareen, iyadoo lagu daweynayo mid ka mid ah Isbitaalada ku yaal Qaahira.

Soomaalida ku dhaqan dalka Masar ayaa cabsi ballaaran soo wajahayay tan iyo markii dalkaas ka bilowday rabshadaha iyo qalalaasaha siyaasadeed, kadib markii bishii July xukunka laga tuuray Madaxweynihii Masar Maxamed Mursi.

Qaraxa lala eegtay Wasiirka ayaa ka dhacay Xaafada ay ku badan tahay Soomaalida oo lagu magacaabo Nasr City, halkaasoo lagu tilmaamo goobaha ay ku xoogan yihiin Islaamiyiinta taageersan Maxamed Mursi.

Dhamaadkii bishii July ayay aheyd markii wiil soomaali ah ay dileen saddex nin burcad Masaari ahaa, kadib markii ay tooreey caloosha ka geliyaan, wiilkaas ayaa noqday Soomaaligii u horeeyay ee ku dhinta rabshadaha ka aloosan Masar.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com