Daawo Qaraxa: Deeqa Xasan British/Soomaali Ah Oo Ku Dhaawacantay Qaraxii Lalla Eegtay Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Dalka Masar.

0

Deqa HassanQaahira (AGGM): Deeqa Xasan oo 16 jir ah oo haysata dhalashada Ingiriiska oo  ku kortay xaafada Brixton ee koonfurta London ayaa waxa ka go’day hal lug, halka gabadha saaxiibteed ahna ay gacmaha wax ka gaareen, iyadoo lagu daweynayo mid ka mid ah Isbitaalada ku yaal Qaahira.

Qaraxa lala eegtay Wasiirka ayaa ka dhacay Xaafada ay ku badan tahay Soomaalida oo lagu magacaabo Nasr City, halkaasoo lagu tilmaamo goobaha ay ku xoogan yihiin Islaamiyiinta taageersan Maxamed Mursi.

Deeqa ayaa waxa ay ka timid Dubai waxayna soo booqaneysay Hooyadeed iyo Abaheed oo daganaa magaalada Qaahira, waxayna sheegtay inay dib ugu soo laabaneeyso dalka Ingiriiska.

Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Ingiriiska ayaa xalay waxa ay sheegeen in ay ka warhayaan in gabar heeystaya dhalashada dalka Britain ay ku dhawaacantay Qaraxa si deg deg ahna ulla xiriirayaan mas’uuliyiinta dowladda Masar.

Isku soo wada duuboo dhamaadkii bishii July ayay aheyd markii wiil soomaali ah ay dileen saddex nin burcad Masaari ahaa, kadib markii ay tooreey caloosha ka geliyaan, wiilkaas ayaa noqday Soomaaligii u horeeyay ee ku dhinta rabshadaha ka aloosan Masar.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com