Akhriso Warbixint: Baaritaan Caalami ah kadib Waxaan Beenineynaa Eedaymihii aan Raadka lahayn ee Warbixintii QM:-War-saxaafadeed

0

fow2Muqdisho(AGGM) H.E. Fawziya Yusuf Haji AdamKusimaha Ra’iisal Wasaaraha, ahna Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeen iyo
Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga

Aad iyo aad baad ugu mahadsantihiin ka soo qeybgalkiina shirkan jaraa’id. Shirkan Jaraa’id waxaan u qabaneynaa inaan ka hadalno warbixintii Kooxda Dabagalka ee Qarmada Midoobey ay ka soo saartay Soomaaliya. Wallow warbixinta ay wax badan ka hadleysay haddana waxaan diiradda saari doonaa qeybta Annexe 5.2 oo ka hadlaya arrimaha musuqmaasuqa maaliyadda. Eedeymahoodu waxey ahaayeen kuwo calculus oo Dowladdu ay ku qasbanaatay inay baaritaan ku sameyso Amarkii Madaxweynaha ayaa Dowladdu waxey la xiriirtay Hay’ad Caalami ah ee oo aad ugu xeel dheer Xisaabaadka iyo Garyaqaanno leh takhasuska baaritaanka arrimaha maaliyadda. Hay’adan Caalamiga ah oo leh xirfad, aqoon iyo waayo aragnimo la xiriirta musuqmaasuqa iyo arrimaha maaliyadda.

Hay’addan Caalamiga ah ayaa waxey baaritaankooda ku caddeeyeen in warbixintii QM ay aheyd mid aan sax aheyn oo weliba aan wax caddeymo ah waddan. Tusaale ahaan;

• Dhammaan lacagihii $16.9 million oo dollar ee laga soo wareejiyey xisaabta Price WatersHouse Coopers May 2011 ilaa iyo April 2012 waxey ahaayeen kuwo xisaaban oo leh dokumentigii loo baahnaa, tanoo aad uga duwan warbixintii QM ay soo gudbiyeen oo aheyd inay 12 Million maqan yihiin.

• Lacagihii laga bixiyey Bankiga Dhexe looma isticmaalin si shakhsi private ah. Hay’addan Caalamiga ah waxey soo oggaatay Lacagihii xilligii dowladdan laga saaray bankiga ay ka saareen xisaabiyeyaashii Dowladda oo lacagihii ay wasaaradaha u qaadeena ay leeyihiin dokumentiyadii loo baahnaa.

Waxaan aaminsanahay inay nasiib darro tahay in Kooxdkii dabagalka ee QM aysan raacin nidaamkii u degsanaa QM ee arrimaha baaritaanka xisaabaadka iyo weliba nidaamka caalamiga ah. Warbixintii QM waxey aheyd mid aan si profession ah loo sameynin oo ay ka muuqatay dano siyaasadeed oo dowladda Soomaaliya meel ka dhac loogu sameynayey.

Kooxdan dabagalka QM warbixintooda waxey u janjeertey hal dhinac waxaana ka mid ahaa:

• Markii ay Bankiga baarayeen xisaabtiisa, lama aysan xiriirin shaqaalaha Bankiga iyo kuwa maaliyadda. Sidoo kale lama aysan xiriirin Xisaabiyaha Guud oo isaga mas’uul ka ah inuu hubiyo in lacagaha lagu bixiyey nidaamkii saxda ahaa.

• Markii ay eedeynta indhola’aanta ah u soo jeedinayeen Guddoomiyaha Bankiga Dr Abdisalam Omer ma aysan wareysan inta xisaabtu socotay. Waxey kaliya oo ay wareysteen markii warbixinta loo gudbiyey guddiga ciqaabaha ee QM, markaasna ma aysan weydiinin eedeymaha loo soo jeediyey.

• Kooxdan dabagalka QM waxey warbixintooda ku saleeyeen macluumaad ay ka ururiyeen dad la ogyahay inay dowladda ka soo horjeedaan. Shaqsiyaadkii baaritaanka dhanka musuqmaasuqa sameynayeyna ma heysan tababar ama xirfadii loo baahnaa.

Somalia muddo 22 sano ah waxey ku jirtay collaado. September 2012 waxii ka danbeeyey Dowladdu horumar ballaaran bey ka sameysey sidii loo hagaajin lahaa hay’adaha dowliga ah. Waxaan la dagaalnay musuqmaasuqa oo aan dib u habeyn ku sameynay hay’adaha maaliyadda.

Dowladdu waxey mudnaan weyn siisay hagaajinta maamulka maareynta maaliyadda, oo si hufan oo cad cad loo maamulayo maaliyadda dalka iyadoo aan caalamka kala shaqeyneyno arrinkan. Waxaana ku guuleysannay inaan dib-u-habeynta hay’adaha maaliyadda sameyno iyadoo ay na saacideyso Bankiga Adduunka (World Bank).

Bankiga Dhexe si kastoo QM warbixintooda ay ku tilmaantay meel lacagaha si khaldan loo bixiyo, haddana waxaa noo suurto gashay inaan Bankiga casriyeyo oo u sameyno nidaam kharash bixinta ah, oo aan sameynay arrimahan:

• In la daabacay warbixin sanadeedkii bankiga iyo kii 3 biloodka ah oo ah markii ugu horreysey muddo 22 sano ah;
• Waxaa la keenay habka casriga ah ee mushaaraadka lagu bixiyo oo electroonik ah;
• Waxaan la sameeyey Qorshaha iyo Istraatejiyadda 5ta sano 2013 – 2018;
• Bankiga waxaa loo sameeyey swift code oo ah nidaamka casriga lacagaha la isagu gudbiyo.

Bacdamaa aan horumar ballaaran sameyneyno, haddana wax badan baa nooga baahan inaan sii sameyno. Waxaan sugeynaa Caalamka oo nagala shaqeeya sidii aan u joogteyn laheyn horumarkaas, bacdamaa uu waddanku ka soo kabanayo 22sano oo collaado iyo dagaallo ah.

Warbixin dhameystiran baan ka diyaarinay eedeymihi musuqmaasuqa ee ka imanayey kooxaha dabagalka QM oo aan idinla wadaageyno.

Waxii su’aalo ah diyaar baan idinla ahay, waxaana ila jooga Jeremy Schulman oo hoggaaminayey kooxdii khubarada aheyd ee noo soo diyaarisay baaritaanka dhabta ah oo xaqiiqada ku dhisan. Waxii su’aalo ahna isagaa nooga jawaabaya.

Mahadsanidiin

DHAMAAD

Halkan Hoose Ka Akhriso Warbixinta

FG: Hayada Caalamigaa ee warbxinta soo saaray waxaa hormuud u haa khubarooyin ka socda shirkada dhanka sharciga ee Mareykankaa ee Shulman Rogers iyo FTI Colsulting oo iyana maaliyada qaabilsan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com