Warsaxaafadeed: Jawaari Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Malaaq Yuusuf Cali Seekh Oo Baydhabo Lagu Dilay.

0

Mudane-JawaariMuqdisho (AGGM): Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Malaaq Yuusuf Cali Sheekh oo ka mid ahaa Malaaqyada ugu caansan gobolka Baay kaasi oo ay xalay kooxo dhagarqabeyaal ah ku dileen magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, waxaa isoo gaartay geeri naxdin leh oo ku timid Allaha u naxariistee Malaaq Yuusuf Cali Sheekh oo ka mid ahaa Malaaqyada gobolka Baay oo gacan ka gardaran ay ku dishay magaalada Baydhabo, waxaan anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca Gudoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka halkan uga dirayaa tacsi tiiraanyo leh qoyskiisa,carruurtiisa iyo guud ahaanba dadka Soomaaliyeed”

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa marxuumka Alle uga baryey inuu siiyo naxariistiisa jano,qoyskiisa, carruurtiisa iyo guud ahaanna shacabka Soomaaliyeed uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Allaha u naxariistee Malaaq Yuusuf Cali Sheekh oo ka mid ahaa Malaaqyada ugu caansan gobolka Baay ayaa xalay waxaa dil loogu geystay gudaha magaalada Baydhabo xili uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday salaadii cishaha.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com